MAXAA DHADHAN U YEELA AKHRISKA ?

0
Wednesday November 24, 2021 - 14:54:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA DHADHAN U YEELA AKHRISKA ?

    xiliyada akhriska aad biloow ku tahay waad u nogushahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xiliyada akhriska aad biloow ku tahay waad u nogushahay

Waa cinwaan aad u weeyn una baahan si qota dheer looga hadla balse waan soo koobi aniga oo kusoo aruurin waxa muhiimada ah

Raac hababkan soo socda waxaan rajeeyn sida ugu dhaw in uu caada kugu noqda akhriska oo aad jeclaatid.
"Akhriska waa habka aad ku noqon karta qof muhiim ah "


1) DOORO BUUG AAD JECESHAHY : dorashada buuga aad akhrineeysid waa mid kaalin weeyn la ciyaaraya caada ka dhigashada akhriska maxaa yeelay bugaagta isku mid ma aha oo isku heer ma aha , ee akhri mid kugu heer iyo daraja ah akhrine nooc buug ee aad jeceshahay .

2) KU AKHRI AF AAD FAHMEEYSID : ku akhrinta af aad boqol kiiba boqol fahmeeysid waa mid muhiim ah laga yaabe in ay jiraam afaf kale ood wax ka taqaan balse aanad fahmeeyn iska daa kuwaas ee ku akhri mid aad kuli fahmi kartid .

3) KU AKHRI MEEL DAGAN : xiliyada akhriska aad biloow ku tahay waad u nogushahay joojintiisa iyo la sheekeeysiga dad ku hareer tuban isku day in aad dadka ka fogaatid ood la gaar noqotid buuga ku horyaal .
4) WAX KA QOR : buuga inta aad wada waxa aad arki meela muhiim ah , adiga ayeey kugu soo dhici xoga muhiim ah , fadlan ha lumin xogahaas ee meel ku keeydi oo qoris ku sameey .

5) DADKA LA WADAAG: Soo bandhigista waxii aad akhrisay iyo wixii aad soo fakartay waxa ay door weeyn la ciyaartaa in aad si joogteeysid akhriska .

Sida in aad ku soo qorta bogaada Facebook , Twitter ama meela kale . Amaba buug aad ka dhigta inta aad uruurisid waxaa ay kugu sii riixi sii wadastid akhriska.

Waxa aan rajeeyn 5taan qodob mid un in uu ku anfacay , adne nala wadaag qodob kale oo dheef inoo leh .
"Yeelashada afkaar kuu gaar ah waa waxa micnaha u yeelaya akhriskaada "

W/Q : ✍ Xasan Faatix
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...