Waxaan rabaa Inaan wax ka ogaataan Taariikhda singbore

0
Wednesday November 24, 2021 - 14:36:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waxaan rabaa Inaan wax ka ogaataan Taariikhda singbore

    Hadaba bal aan isbar bandhig ku sameyno halka ay ka yimaadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba bal aan isbar bandhig ku sameyno halka ay ka yimaadeen


" Singapore waa dal yar oo jasiirad ku taala koonfurta- Bari Asia waxay dadkiisa Noqdeen intii Taariikhda basharka la haayay Adid Kuwa ku guuleysta Hormar Nooleed oo ka yar muda 50 sano ah ...

" Marka aynu sidaa leenahay bal aan qiimeyno baahiyaha Aasaasiga ah ee qofka/ dadku u baahan yahiin, cunto, hooy, caafimaad, waxbarasho, iyo shaqo intaba wuu haystaa qofka reer Singapore ku darso 90% waxay ku jiraan guryo ay leeyahiin halka ay 10% ay ku jiraan Guryo Kiro ah....


" Hadaba bal aan isbar bandhig ku sameyno halka ay ka yimaadeen iyo Halka Ay maanta Taagan yahiin
'1965 waxay aheyd sanadkii ay ka go" day dalka Malaysia dakhliga [per capita income] qofkii reer Singapore wuxuu ahaa $500 oo dollar si lamid ah dakhliga qofka reer Ghana. Halka maanta lagu qiyaaso dakhliga qofka dalkaas Singapore uu yahay $75,000 dollar

' soo ma aha waxa laga yaabo, in kororka iyo Hormarka inta la eg Gaaro mudda sidaa u gaaban ?
Suaasha Muhiimka ahi waxay tahay waa maxay sirtu?

DR' kishore mahbubani oo ah ustaad wax ka dhiga jaamacada Maamulka iyo Maareynta ee dalkaas [ lee kuwan yew school of government] " wuxuu ku soo koobay Arintaan sadax qodab.

1:- Meritocracy "- waa in dadka aqoonta badan, xilkasan uguna haboon loo dhiibo xilalka dalka.qof walba meesha uu munaasab ku yahay la geeyo isagoo kartadiisa la eegayo...

2:- pragmatism "- waa in aan la isku dhibin mushilad welba in xal cusub loo helo balse laga soo dheegto dadka ay hori u soo Martay taas oo kale Tusaale ahaan" Nidaam dowladeed cusub intii aan ikhtiraaci laheyd inaad dimuqaraadiyad qaadatid '

3:- Honesty:' Daacadnimo ' waa in qofka loo dhiibayaa yahay mid laga dharagsan yahay daacadnimadiisa / Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ka dheer....
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...