'' Eritrea & Somaliland , Xuska Maalmo Isku Midda '' W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday May 21, 2019 - 13:02:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Eritrea & Somaliland , Xuska Maalmo Isku Midda '' W/Q: Ahmed Nour Guruje

    17 March 1988 , Ciidamadii Jabhaddii xoraynta Eriteriya ee loo yaqanay Eritrean Liberation Front

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17 March 1988 , Ciidamadii Jabhaddii xoraynta Eriteriya ee loo yaqanay Eritrean Liberation Front
, waxay la wareeegeen Magaaladda loo yaqaano Afabet oo ku taalay dhinaca barri ee Wadankaas Eritrea , waxaanay guud ahaanba baabi'iyeen Ciidamo ka kooban 22'000 kun oo ahaa ciidamo aad u tababaran aadna u qalabaysan , loona yaqaanay ciidamadda Nedew Command , kuwaas oo aanay waxba ka bixin marka lagga reebo 120 askari oo fardhida , Ka dibna jabhadu waxay la wareegtay magaaladda Karrina iyo gabi ahaan dhulka buuralayda ah ee bariga Eriteriya , halka Ciidamadii itoobiyana isugu urureen galbeedka banaanadda ah .



Taariikh yahanka Maraykanka ee magaciisa la yidhaahdo Basil Davidson isagoo dhacdadan ka waramayana wuxuu yidhi , waa guushii ugu waynayd ee aduunka jabhaddi gaadho marka lagga reebo Vitnam .


Madaxwayne Mingiste markii warkani soo gaadhay wuu argagaxay , ka dibna wuxuu si degdega wasiirkiisii arrimaha dabada Dr Birhanu Baye u diray Magaalada Mogdisho , waxaanu usii dhiibay Fariin nuxurkeedu yahay in Itoobiya ogolaatay qodobadii ay Mingiste iyo Siyaas isku afgaran waayeen shirkii Djabouti maalmo ka hor , kuwaasoo kala ahaa , joojinta caawimadda snm , ka bixista degmooyinka Gal-dogob iyo balanbale iyo kala durkinta ciidamada labada dhinac . dhinaca kale wuxuu dil toogasho ah ku fuliyay Taliyihii ciimadiisa la jebiyay ee Gen Tariku Ayne .


Maxamed siyaad oo aan filaynin warka soo kordhay isna si halhaleea ayuu u qaatay fariintii Dr Birhuna Baye .


Bishii May 23 1988 ayuu Maxamed Siyaad u dhoofay Magaaladda Adis ababa , si ay Mingiste uga soo wada sheekaysteen halka uu marayo heshiiskii la isla gaadhay .


26 May Madaxwayne Mingiste iyo Maxamed Siyaad waxay dalxiisa ahaan u tageen Magaalada Soddare ee duleedka Adis ababa , si ay waqti ugu soo wada qaataan .


8 Subaxnimo 27-1988 ayaa war degdega oo ka yimi Mogdisho loogu keenay Soddare kaasoo ahaa in ciidamadii Snm la wareegeen Magaaladda Burco , ka dibna maxamed siyaad wuxuu dagaal iyo cay kaga qaad qaaday mingiste , isagoo ku leh waad i qiyaamaysay .


1 June ayuu booqasho ku saabsan warbixinta xaaladda soo korodhay ugu tagay , Taliyihii Qaybta 26 aad Maxamed s Moorgan ,xaruntii Villa Somalia , waxaanu si buuxda ugu sheegay in taladdi farihiisa ka baxday,hassa yeeshee Maxamed Siyaad sidii Mingiste u khaarajiyey Taliyihiisii Gen Tariku Ayne uma khaarajinin waanu u naxariistay , maadaama uu soddog u ahaa , hasa yeeshee wuxuu halkiisii usoo diray Madaxwayne xigeenkiisii , Gen Maxamd A Samatar .


Ugu danbayn Bishii may 24 1991 ayaa shacabka Eretrea ku dhawaaqeen in ay dib u hanteen xornimaddii ka saranseerantay 1961 kii ee ay 30 sanno u dagaalamayee , dhinaca kale 18 May 1991 ayaa Somaliland dib ula soo noqotay xornimadii ka luntay 1960 kii .


Maalinta jimcaha ah ee inagu soo socota ayaana shacbiga iyo Dawladda Eritrea u dabaal degayaan maalintaa qiimaha leh , siddii shacbiga Somaliland sabtidii dhawayd ugu dabaal degeen xuska 18 may .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...