Is-beddelka Waddani Ka Dhacay iyo Saadaasha Jawaabta Kulmiye bixin Karo

0
Tuesday November 23, 2021 - 13:54:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-beddelka Waddani Ka Dhacay iyo Saadaasha Jawaabta Kulmiye bixin Karo

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Winston Churchill oo ahaa Raysal wasaarihii Ingiriiska ee wakhtigii dagaalkii labaad ee adduunka ayaa laga hayey” Siyaasigu waa ka awood u leh in uu saadaaliyo waxa dhacaya berri, toddobaadka dambe, bisha dambe iyo sannadka dambe, isla markaana awood u leh hadhowna in uu sharraxo sababta ay u dhici waayeen wixii uu saadaaliyey.” Fursadaha siyaasaddu waxa ay la jaanqaadaan kolba waayaha jira ama lagu jiro.



Hogaamyeyaashu xisbisyadu haddii ay fahmi waayaan fooraha dabaysha siyaasadda, waa hubaal inuu xisbigoodu afka ciida daro. Is-beddelkii ballaadhnaa ee maamul ee ka dhacay xisbiga Waddani, wuxuu labada xisbi ee kale ku keenay inay saameynta uu keeni karo dhinacooda faaqidaan oo talo ka yeeshaan.


Is-beddel maamul ayaa ka dhacay xisbiga Waddani, hasayeeshee kamuu dhicin is-beddel shakhsiyadeed. Waayo markaad eegto siyaasiyiinta maamulka cusub ee Waddani waa isla shalay kuwii ka mid ahaa xisbiga Kulmiye. Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadu saddex arrimood midkood ayey ku dhaqaaqi doonaan si uga jawaabaan is-beddelka maamul ee xisbiga Waddani:


1. In aanu madaxweyne Biixi is-sharraxin oo uu Maxamed Kaahin ka dhigo musharrax ka socda xisbiga Kulmiye. Haddiiba arrintani dhacdo beesha bariga Burco waxa ay toos ula safan doontaa musharrax Maxamed Kaahin. Waanay adag tahay inay raacaan afkaarta guddoomiyaha Waddani Xirsi ee ah inuu Cirro dhiso.


2. In madaxweyne Biixi furo ururadii siyaasadda, markaana waxa meesha ka baxaysa musharraxnimada C/raxmaan Cirro, waayo wuxuu ku soo dhacayaa bilaa xisbi, ileyn Waddani waxa soo bixistiisa ka shaqeynaya guddoomiye Xirsi. Waxa kale oo dhici karta in aanu Waddani ka mid noqon xisbiyada soo baxay ama uu ka mid noqon kuwa soo baxay. Inta badan xisbiga xukuumiga ahi wuu badbaadaa.


3. In xisbiga Kulmiye uu musharrax ka mid siyaasi deegaan ahaan ka soo jeeda deegaanka C/raxmaan Cirro. Taasina ay keento kala qaybsanaan cododka uu xisaabta ku darsaday musharrax Cirro, sidaasina uu ku waayo cododkii uu u baahnaa.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...