War-Baahin Beeni Haday Jirto Waa Ta Qudhmiye ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday November 23, 2021 - 13:00:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    War-Baahin Beeni Haday Jirto Waa Ta Qudhmiye ( Abdi-Shotaly).

    N.B Habartii Docdeeyiyo, Degelkay Ku nooshahay, Diriradu Ku Hooreen, Dadka Wadda Hel Moodoo. Daad Wararac Bay Tidhi!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Habartii Docdeeyiyo, Degelkay Ku nooshahay, Diriradu Ku Hooreen, Dadka Wadda Hel Moodoo. Daad Wararac Bay Tidhi!

Akhristaw waxan saaka u soo qalab qaatay, oo rabaa in aan xaqiiq-da taabssyo nin la yidhaaho Mukhtaar Cilmi, kaas oo ay biyo dhigtay khiyaali iyo been la hadoodilo, isaga oo ibriiq madhan ka adimaaya, durbaan haraggii ka qoyey, oo aan sanqadh lahayna garaacaaya, wuxu yidhi  Abwaan hadraawi " Ha igu tumin hargaha madhan, aad bay runta uga foog tahay waxa uu is leeyahay ummadda ku majaro habaabi, laakiin-se ma oga in aan wakhtigan geed sare waab iyo qof dan gaara lihi aanu ummadan ka duwi karin aragti-deedda saxa ah, waayo waxay gunta soo xaadheen wixii lagu harawsan jirey, ee kuwa uu difaacayaa " Waa Qudhmiye'e" Ay soo derderi jireen, taas oo ah ciyi waa ka beryey, cid ka dhegaysa-naysaana aanay jirin-ba hadeer, wax ka soconaayana maaha, waayo waa la arkay waxay yihiin oo cidna caad kama saarna, ujeedadda ay leeyihiin ee hanti doonimo iyo halka ay dhigeen dalkii buuxay iyo dadkii wadda socday, ee uu ku wareejiyey Rabbi caafimaad ha siiyo'e "Madax-weyne  Ahmed Siilaanyo". Mee Kulmiyahii ay ummadu wadda dooratay, sawkan noqday Tusbax go'ay, balanbal u dhamaaday, cunay ragiisii, maciishaddii ay cirka isku shareertay, in yari ceeshayso, shicbkii ay 99.5% ka siman yihiin hoog, silic, macaluul iyo saxariir, ma waxad ku hadashaa kuu yaal oo aad dad la hor timaado? Afku miyanau kugu oolin? Maxaa kuugu wacan xaq-darro taageerka aanad geed-na ugu soo gaban.

 

  Waxay maah-maah hore ahayd " Nin meeli u cadahay, meeli ka madaw" hadaad adiga iyo inta sacabka beenta ah u garaacay-saa, aad siddii ilmo dhashay masaasad malab ahi ay afka idiinku jirto, ummadda baaba iyo macaluul baa u dhamaaday, waase aad iska indho tiraysaane, cadceedda oo duhur joogto bay idin hor iman doontaa xaqiiq-du. Wuxu Yidhi (Ihun) Cabdi Iidaan " Habartii docdeediyo, degalkay ku nooshahay, diriradu ku hooreen, dadka wadda hel moodoo, daad wararac bay tidhi, misna tiradda kuma darin, in ay qaar degteedda ah, macaluul daraadeed, gaajadu ay dubatoo, derbi-yadda ay jiifaan" Mukhtaar Cilmaw ta aad wadaa, oo biyo kama dhibcaan ahi, waa taas uu murtidda ku qeexay " Abwaan Cabdi Iidaan (Ihun)" ee wax kale sheeg, tani kaa socon-mayso'e. Waxaaad tusaale been ah, sal iyo raad lahayn u soo qaadatay, Xusbiga Rajadda Shacabka ee "Waddani"  Waddani Lama iibin ee wuxu cadeeyey in uu yahay Xusbi tallo wadaag ah, oo aanu nin qudhi jeebka iskaga sidan, sidda " Qudhmiye" oo uu askariga " Raggii ma adiga ka hadhay" uu ka dhigtay hanti uu iskii u leeyahay, kuu doono eryo, siduu doonana ugu takri fallo, laga la'yahay waar iska wareeji Gudoomiya-nimadda.  Macangag aan dabo iyo hor kala lahayn iyo dheg la qabto, keliggii talis ah, baad ku sheegtaa weli soo daahiray, wax uu liqo iyo colaad, cuqdad intuba ay dhaamisay beerka, oo aanu wadni-hiisu wax kale ku shaqayn. Saw kama dhignid kolkaas, dacawaadd ka daba ceeshi jirtey raq uu dhurwaa dilay iyo caya-yaankii ku xeernaan jirey sidda door-yaanka IWM.

 

Waxa kale oo aan kuu sheegayaa, haddii Xusbi laga yaacay uu jiro, sheeg waad garanay-saaye ka uu yahay, inta aad ciiradda isku qarinayso. waa su'aale, Xusbiga dadkii lahaa xagee bay ka qabteen maanta? Yaad Ka haysaa ee kaala jooga? Yaa burburiyey Jeegaan? Meeye Raggii Aasaasay Kul;miye Ee guusha u soo hooyey? Abiib-tima -cad, Jaamac shebeel, Maxamuud Xaashi,  C/raxmaan cabdilqaadir, Xirsi Xaaji Cali, Qabyo-tire, Maxamed Biixi yoonis, Ismaaciil yare, Cabdilaahi Cukuuse, Cali Gurey, Jamaal Cali xuseen-kii lahaa geela baa isugu kaayo jira, Mr Raygal, Xuseen Cabdi Ducaale, Cali cawaalihii ahaan jirey Safiirka UK ee Somaliland. Ma is weydiisay halka ay hadda joogaan. Guusha "Waddani" ka soo hooyey Shir'gudoonka Wakiiladda, doorashaddii deegaanka iyo wakiiladda saw Waddani maaha. Bal noo sheeg guul ama tallaabo wax tar ah oo ka keenay " Qudhmiye"  Min bari ilaa galbeed dabkii uu isugu dhiibay ummadda yaa bakhtiiyey? Ee ku soo wadda shubay Waddani? Cadceedda sacab laguma qarin karo, ka ku fekraana sidaadda, waa mid aan geeriddii nebiga (CSW) aan ogayn iyo meel iskaga baydh, hunguri ku raac, nin jeclaysi, oo aan dan ka lahayn dal iyo dad ( waa caynka aad tahaye). Inta aad kolba geed isku xoqayso siddii hal cadho qabta, waxa kaaga wanaagsan adiga oo iska cadaysta, oo yidhaaha wax baan ku qabaa ee i daaya, ama ku taageer-sanahay. waxan ku soo koobay subaxan saaka ah, bal noo sheeg halka uu ka jiro Xusbi kulmiye la yidhaahaa oo waa kee? Saw muu raacin raggii samaystay, oo ka burburiyey maaha Askarigga jiho wareersan.

 

* N.B Habartii Docdeeyiyo, Degelkay Ku nooshahay, Diriradu Ku Hooreen, Dadka Wadda Hel Moodoo. Daad Wararac Bay Tidhi!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...