Ma Emirates Kaa Sidaa U Gacan Adag Mise Xaqal Qalin Kii Baa Ka Go'an ?

0
Tuesday November 23, 2021 - 11:07:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ma Emirates Kaa Sidaa U Gacan Adag Mise Xaqal Qalin Kii Baa Ka Go'an ?

    W/Q: Ahmed Ismail Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Ismail Abdi

Dawlad weyn oo Xoolihii Bariga dhexe iyo marinkii Adduunyada isku darsatey markay gacan u qaado Maalgalinta Madaarka Berbera waxaynu islahayn ugu yaraan wuxuu ku dhawaanayaa kii Addis Ababa!



Sawirada iyo muuqaalada laga soo qaadey dib u furitaankii Madaarka Berbera oo lagu sheegay in Emirates ku dib u casriayayn ku sameeyay, waxa wakhti kugu qaadanaysa inaad hesho sawir Muuqaal Madaar leh. Haddii laga tagi waayo dhismihii hore ee Madaarka waa la dhalaaliyay, gudahana qalab kooban iyo muraayado ayaa lagu xidhay.


Halka ugu muhiimsan ee muuqaal ahaan sidii hore ka duwani waa dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan ama soo cago dhigtaan oo muuqaalkiisu kusoo jiidanayo. Dhismaha kale waa kii uun u eekaa Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa!


Marka aad is barbardhigto filashada nooca uu u eekaan karo Madaar ay Dawlad weyni maalgalisay iyo Muuqaalada Maanta ee Madaarka Berbera, waxaad isweydiinaysaa; Emirates ku ma sidaan buu u gacan adkaa ? Mise Maalgalinta habayn kalaa raacday ?

 

W/Q: Ahmed Ismail Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...