Xubno ka mid ah golaha shacabka oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

0
Tuesday November 23, 2021 - 10:11:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno ka mid ah golaha shacabka oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

    Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer afederaal Axmed Safiino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer afederaal Axmed Safiino



Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.


 

Guddiga maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Maanta ay dhaceyso doorashadooda.



Musharrixiinta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Xubno kale.


 

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer afederaal Axmed Safiino ayaa sheegay in 101 Ergo oo kamid ah Ergada doorashada ay dooranayaan min laba ilaa Saddex kursi taasina ay fududeyneyso in kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi si deg deg ah loo soo geba-gabeeyo.


 

Sidoo kale wuxuu sheegay in maalmaha soo socda degaannada dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed ay doorashada ka bilaaban doonto, wuxuuna ugu baaqay Maamulada kale inay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.


 

Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in 24 Bisha December la soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.


 

1-dii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horreeyay Golaha Shacabka kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, waxaana la filayaa in dhawaan doorashada ka bilaabato maamulada kale ee kajira dalka.

Loading...
Loading...