Berbera Madaarkii La Furay, Xamarna Booyayso, Buqlaantana Baroorti Layaab, Ba'y Majeerteenka

0
Tuesday November 23, 2021 - 09:23:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera Madaarkii La Furay, Xamarna Booyayso, Buqlaantana Baroorti Layaab, Ba'y Majeerteenka

    W/Q: Ismail Abdilaahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdilaahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B]

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTA YAASHEEDA.

 

B.I.A. BERBERA LAGA FURIYO,XAMAR BAROORTEEDA,

BUQLAAN QAYLADEEDII,LA YAAB BA’AY MAJEERTENE,

BUKAANBA CALOOSHA U FADHIYA,AAN BOGSI LAHAYN,

BADODANI HADDAY MALAB TAHAY,UMA BIDHAMAYSO,

BOSASO IYO GAROWE,HADDII DAHABKU BUUX DHAAFO,

BISMILAYSAN MAAYAAN,NIMCADUU BIXIYO EEBBUUYE,

BERBERIYO HARGEYSAY ARAKAN,BILICADA LAYDHKODA,

BAKHTI CUNAHA XAARAN BARATAN,BAAHI BAXAHAYNE,

BISINKIYO QURAANKA U AKHRIYA,BADIYO B.I.AIRPORKA,

BELOOY BAYDH DHAMANTIN DHAHO,BIXIYA DEEQ EBBE,

BOCAD WEEYE BARAKAYSANUU,EEBBE NAGU BEERAY,

BUDHCADEED SHABABIYO XAGJIRE,LOOGA BAQANMAYO,

BENDERSALAAME WEEYAAN,ALLAHAA BIXIYA DEEQDIISA,

BARBAARIYO DUQAY IYO HAWEEN,BAAL U WADA JEESTA,

BAANDHEEYA DUULKAN U DHALAN,BELEDKA OO SHEEGA,

BILAYSKA IYO SIRDOONKA,LA GALA  BAADHISTIYO GAADH,

BOQORKANA LA KAASHADA,ISAGAA BIXIYA DEEQAAYE,

BAQANMAYNO OO GEESINIMA,BEEL KU SIDATAANE,

HA BAKHLAYSO KOONFIRI,ANIGU MOOJAY BILIGAYE,

BURINDIYO AXMAARKIYO,MAXAA BAHALO GUUD JOOGA,

BERTII IYO NAXAASTII FADHIYO,BADABA BADI WIXII JIIFAY,

BUKAASAA QABSADAYOON DEGAYNO,BAAQI KU AHAADAY,

BISMILAYSTE REER XAMAR INAY,GEDO U BAAHDAANE,

BOQOLAAL KUN WEEYAAN,ALLAAN BAAXADOOD BARINE,

BIRTAA LAGA ASLAA KII U KACA,UMANA BOOYAANBA,

BAQE IYO CABSA LAGU SALIDAY,BIISHI REER MUDUG,

BAKAYLAY LIBAAX MOODAYAAN,OOY KA BAQAYAANE,

BIWAAYA HABARGIDIR HADDMAY,SOO BARAARUGI,

                     ISMAIL ABDILAAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...