"Ganacsatadda Waxaan Ugu Baaqayaa Inay Ixtiraamaan Shuruucda" Madaxwayne Ku Xigeeka Somaliland.
ayaa ganacsatadda Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda iyo qawaaniinta qarankan u degsan islamarkaanna ay maciishadda u khafiifiyaan bulshadda reer Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladdii Madaxweyneku-xigeenka "Ganacsatadda waxaan ugu baaqayaa inay ixtiraamaan shuruucda, waxaan ugu baaqaynaa inay bulshadda u naxariistaan oo maciishadda ka khafiifiyaan, sarifkana ay ilaaliyaan, annaguna waxa waajib nagu ah siyaasadii lagu dhiqi lahaa ganacsiga inaanu la nimaadn,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta xadhiga ka jarayay carwo ganacsiyeed Hargaysa laga furay, waxaanu madaxwayne ku xigeeku soo kormeeray dukaamadda ganacsiga ee carwadaasi lagu soo bandhigay isagoo ugu hambalyeeyay guulaha ganacsi ee ay qaarkood gaadheen.