Beenta Warbaahinta Waddani. By Mukhtar Cilmi

0
Tuesday November 23, 2021 - 09:17:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Beenta Warbaahinta Waddani. By Mukhtar Cilmi

    Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Warfaafintu qayb weyn ayay ka tahay guusha xisbi walba oo hankiisu yahay madaxnimadda dalka oo ka diiwaan gashanyahay, hadii u ducuf ka muuqato hab u socodkiisa waxay ila tahay in u xisbigaasu mar walba u saaxiib la noqdo guuldarro! ,taasuna waxay haysataa warbaahinta xisbiga waddani iyo xafiiskeeda warfaafinta!!!. sida aanu u wada ogsoonahay guusha uu ku gaadhay KULMIYE kursiga 2010 waxay ahayd warbaahin isagoo si xun kaambayn iyo dagaal la galay xukuumadii UDUB iyo tv geedii qaranka waagaa. waxaana guulaystay runti warbaahiinta mucaarideed ee kulmiye oo runtii dhisatay warbaahin adag.

 

Waxaana intaas u soo qaatay caawa in ay sidii weli tahay warfaafinta Waddani oo wax isbedel toona keenin..been bay imika fadhiyaan oo ah in dadku soo dhaweyeen wareejintii cirro ku wareejiyey xirsi, war caqliga dadka kuma ciyaaraysan dadkuna way bislaadeyn sidii hore maaha xirsow. Lama ilaawin boobkii madaxtooyadda u fadhiday, lama ilaawin dagaalada ka oogtay buuhoodle aad shaadh qabiil ku  adeegsatay ciidaanka qaranka, iyo dagaaladii ceelafweyn.markaas aya diin nagu wacdinaysaa wana sifooyinka munaafiqiinta.

 

Maantana xafiiskuuda wuu madhan yahay kii ugu danbeyey waakii is casilay, waxa la dagay xoghaya guud khadar dhukur aan khibrad u lahyen siyaasadda oo maroorsaday taladii warbaahinta WADDANI. haddaba tageeriyaasha weli khayr ka sugaya waddani waxaan udhan lahaa ka quusta oo sakhradda khiyaaliga ka kaca!. xisbigu waa xisbi liita oo loo iibiyey kooxdii wadanka liqday..

 

By Mukhtar Cilmi

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...