Gabadh Soo Bandhigtay Bahdilaad Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargaysi Kula Kacday Dumar

0
Monday November 22, 2021 - 20:33:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gabadh Soo Bandhigtay Bahdilaad Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargaysi Kula Kacday Dumar

    "Magacaygu waa Edna Naasir Maxamed waxa aan ka mid ahay shaqaalaha dowlada hoose ee Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Magacaygu waa Edna Naasir Maxamed waxa aan ka mid ahay shaqaalaha dowlada hoose ee Hargaysa.

Akhriso cabashadan ay qortay muwaadinad lagu magacaabo Edna Naasir Maxamed oo ka tirsan shaqaalaha dawlada hoose ee Hargeysa:-



"Magacaygu waa Edna Naasir Maxamed waxa aan ka mid ahay shaqaalaha dowlada hoose ee Hargaysa.

Waxa aan jeclaystay in aan idinla wadaago qiso runtii si weyn noo damaqday oo nagu dhacday haddii aan nahay hablaha ka shaqeeya dowlda hoose ee Hargaysa.


Haddii aan hadalka idiin bilaabo waxaa nasoo gaadhay waraaq ogaysiin ah, oo soo baxday 21/11/2021 kaasi oo dhammaan ba shaqaalaha lagu wargelinayo in la samayn doono madax taabasho dhanka shaqaalaha ah isla markaas ay shaqaaluhu yimaadaan marka ay saacadu tahay 2 Duhurnimo ee xilliga duhurka.


Caadiyan annagu waxa aan shaqada soo galnaa Subaxnimo ee xilliga subaxa. Waxa aanu maanta oo bishu tahay 22/11/2021 nimid shaqada xilligii aan awel ba iman jirnay, oo ah 7 Subaxnimo.


Waxaa jirta anigu in aan ahay Hooyo leh ilmo yar, oo ilmaheedu u baahan yahay maadaamo, oo aan jaqsiiyo.

Waxaa aan xaq u leeyahay labo saacadood, oo naas nuujin ah oo sharcigu xaq ii siiyey si aan ilmahayga yar isna xaqa waalidnimo ee uu igu leeyahay u guto.


Laakiin taasi ma ay dhicin ee ilaa xiligii aan shaqada soo galay oo ahayd 7 Subaxnimo ilaa 2 Duhurnimo ayaan fadhiyey si aan u fuliyo amarka ah in nala faray in la samayn doono madax taabasho shaqaalaha o dhan laga reebo shaqalaha cashuuraha sida warqada ku cad.


Markii ay gaadhay xilligii nala rabay, oo ah 2da duhurnimo ayaan u tagnay annaga oo ah shaqaalahii rag iyo dumar ba markii aan u tagnay ayaa agaasimeyaashaa qaar waxaa si jees jees ah ay noogu dhaheen yaa idiin yeedhay? miyaad guryihiina iska joogtaan meesha rag ayaa looga baahnaaye? Iyaga oo hablaha u jeeda.


Markaas ayaan weydiinay annagu miyaanan ka mid ahayn shaqaalaha dowlada hoose, ee aad u yeedheen si aad madax taabasho ugu samaysaan?


Markay halkaas sheekaddu marayso ayuu noo soo kacay maayar ku xigeenka dowlada hoose ee Hargaysa oo shaqsiyan Edna ahaan aan anigu ka codsaday in uu noo yimaado si uu u ogaado arinkayaga.


Halkii aan ka sugaynay in uu hadal wanaagsan na dheho ayuu si jeesjees ah isaga oo tiiqtiqsanaya ii yidhi hadalka soo koob wixii dan ahna ka hadal.

Markaas baan u sheegay wixii jirray iyo sida wakhtiga nalooga lumiyey markii danbe nala yidhi iska taga.


Waxa uu hadal iigu soo koobay ma maanta oo keli ah ayaad ka cabanaysaa?

Markaas baan ugu jawaabay gudoomiye aduunka minid iyo saacad ayaa lagu xisaabtamaa.,

Waxa uu iigu hal ceshay daqiiqad iyo saacad ayaan idinku xisaabin doonnaa waanna uu iska dhaqaaqay isaga oo awoodiisa noo muujinaya.


Waxaa layaab leh in sidaas oo dhan naloola  dhaqmo annaga, oo muddada intaas le'eg kasoo shaqaynayey dowlada hoose ee Hargaysa.


Waxaa cajiib ah in agaasimasha qaar ee dowlada hoose ay sida ay doonaan noogu jeesjeesaan isaga uu weli ba arkayo maayar ku xigeenkii. 


Waxaa sidoo kale layaab leh in ninka ku saxeexan waraaqdan markii uu na arkay uu yidhi:- "waxan oo shaqaale ah yaa iskugu yeedhay" miyaanu ahayn isagu qofka noo yeedhay ee waraaqdan uu magaciisu ku saxeexan yahay?


Shaqsiyan anigu ma ahi qof ay la weyn tahay Salary-ga yar ee uu ka qaato dowlada hoose.

Waxa aan ahay gabadh aqoon ahaan dhisan, oo weli heer Jaamacadeed ah meesha ay doontana ka shaqaysan karta bal se waxa aan diiday kibirka iyo yasitaanka ay nagu sameeyeen nimankaas madaxdda sheeganaya ay nagula kaceen haddaan nahay shaqalaaha dowlada hoose ee Hargaysa, gaar ahaan hablaha, oo la og yahay in ay shaqada u badan hayan isla markana aan xafiiska laga wayin iyaga oo waliba mushahar yarna qaata.


Waxaa jira baahiyo badan oo si gaar ah u tabanayan haweenka ka shaqeeya dowlada hoose ee Hargaysa oo ay ugu waaweyn yihiin suuli la'aan iyo mushaharaadka ay qaataan oo aad uga yar saacadaha ay shaqeeyaan.

Waxa aan diiday in aan arko hooyooyinka dhulka xaadha ee ka tirsan dowlada hoose in wakhtiga intaas le eg iyo lugooyaddaas weyn lagu sammeeyo iyaga oo waliba 5:30 Subaxnimo soo galay shaqada.


Waxaa jirta in habalaha ka shaqeeyaa dowlada hoose ay tirsanayaan dulmi baahsan balse aanay awood u lahayn in ay sheegtaan iyaga oo ka baqaya in shaqaddooda ay kuwaayayaan haddii ay hadlaan.


Marka waxa weeye mar hadanay shaqalahoodii Bus la'aan iyo mushahar yari iskugu dirine ee ay atleast bal Ixtiraam un siiyan oo ay dhegaystaan oo anay waxba yahay ka so qadin dee."


May be an image of ‎text that says '‎JAMHUURIYADA SOMALILAND DAWLADA HOOSE EE HARGEYSA REPUBLIC OF SOMALILAND MUNICIPALITY OF HARGEYSA 21/11/2021 Ku:- Dhammaan Shaqaalaha Xarunta D/hoose Og:- Xoghayaha Fulinta D/hoose ee Hargeysa Og:- Duqa Caasimadda JSL Ahna Ku Xigeenka Duqa Ujeedo:- Dhamaan shaqaalaha Xarunta Marka laga reebo waaxda cashuuraha waxaa la farayaa yimaadaan xarunta Taariikhdu markay tahay 22/11/2021 saacaduna tahay 2:00 Duhurnimo kaas koob taabasho ciddii ka maqnaata waxaa loo qaadanayaa cid maarantay shaqada Waxaan muhimka kale idinku adkaynayaa aad soo xaadirtaan shirkaas lagu qaban doono barxadda hore ee Hoolka Shirarka waxaa aad waqtiga ilaalisaan timadaana saacada kor ku: xusan Maxamuud Axmed W/Maamulka Maaliyadda دحن D/hoose EeHargeysa‎'‎

Loading...
Loading...