Xisbiyadda mucaaridka oo Kenya u baxay Iyo Marwo Milgo Sanbalooshe oo sii ahaanaysa Guddoomiyaha WADDANI

0
Monday November 22, 2021 - 16:36:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda mucaaridka oo Kenya u baxay Iyo Marwo Milgo Sanbalooshe oo sii ahaanaysa Guddoomiyaha WADDANI

    Guddoomiye Xirsi Oo Sheegay In Xisbiyadda Mucaaridku Safar Ku Tagayaan Kenya Iyo Marwo Milgo oo noqotay Ku-simaha Guddoomiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Xirsi Oo Sheegay In Xisbiyadda Mucaaridku Safar Ku Tagayaan Kenya Iyo Marwo Milgo oo noqotay Ku-simaha Guddoomiyaha


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay in labadda Xisbi mucaarid ay maanta safar ku tagayaan magaalada Nairobi ee dalka.


Guddoomiye Xirsi waxa uu inay halkaas kulamo kula qaaddan doonnaan dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka si ay somaliland uga caawiyaan Miisaaniyadda doorashadda iyo arrimaha kale ee farsamo.
May be an image of 7 people

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan waxa uu sheegay inta uu ku maqan yahay safarka Kenya in Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe ay sii ahaanayso Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

"Salaan qiimo badan ka dib, maanta labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani waxay safar shaqo ugu baxayaan magaalad Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo aanu kulamo kula yeelan doonno wadamada doorashooyinka inaga caawiya, si ay inooga taageeraan wixii miisaaniyada doorashooyinka inaga dhinma ama farsamo ah ee Komishinka Doorashooyinka Qaranku u baahdaan.

Haddaba, sida xeerka xisbiga ku qoran, isla markaana ku cad wareegtadii kaltanka guddoomiye kuxigeennadu ay ugu simayaan xilka guddoomiyaha marka uu maqanyahay, waxaan ku faraxsanay in ay nasiib u yeelatay Marwo Milgo Maxamed Cilmi, taas oo laga bilaabo maanta ilaa inta aan safarka ka soo noqon doono ahaan doonta ku simaha guddoomiya xisbiga WADDANI.

Loading...
Loading...