Wafdi Uu Hogaaminayo Raysal Wasaare Ku-xigeenka Somaliya Oo U Ambabaxay Turkiga
Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.
wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga ayaa ka kooban Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud .
Raysal Wasaare ku xigeenka ayaa inta uu joogo Turkiga lagu wadaa in uu kulamo la qaarto masuuliyiin ka tirsan dawladda Turkiga.
Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn u taageera Dowladda Federalka Somaliya, marka loo eego xidhiidhkawanaagsan & garab istaaga Shacabka Somaliyed.
Loading...
Loading...