"Guri kasta oo Somaliland ah 3-da sanno ee soo socda KHAMRI ayaa lagu cabi doona"

0
Monday November 22, 2021 - 15:40:53 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Guri kasta oo Somaliland ah 3-da sanno ee soo socda KHAMRI ayaa lagu cabi doona"

    "Guri kasta oo Somaliland ah 3-da sanno ee soo socda KHAMRI ayaa lagu cabi doona"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guri kasta oo Somaliland ah 3-da sanno ee soo socda KHAMRI ayaa lagu cabi doona"


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Haybe oo ka mida Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in ummadda reer Somaliland uu ku socdo dagaal lagu aafaynaayo, kaasoo uu ku tilmaamay Khamri iyo Xashiishad uu sheegay inay sida Durdurka ugu socdaan dhammaan gobollada Somaliland.



Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Haybe waxa shacabka Somaliland ku booriyay inay la socdaan Daroogadda maalinkasta dalka la soo gelinnaayo si loogu aafeeyo Dhalinyaradda soo kacaysa, waxaannu soo jeeddiyay in dagaal lagu qaaddo dadka hawlahaas ku jiro oo Ciiddanka Booliska lala shaqeeyo oo meelkasta loo istaago nimankaas daroogadda la ordaaya.

"Waxa beryahan danbe sida durdurka inoogu socda wax la yidhaahdo Khamri iyo Xashiishad, habbeenkii xalay ee u danbeeyay ayaa badh la qabtay. Khamrigaasi wuxuu isku daba-socdaa sida Mawjadda oo kale, midhka la qabtaa wuxuu ka yahay Boqolkiiba Hal.

Waxaan idin sheegayaa Sanadkan aynu ku jirno oo kaliya Ciiddanka Boolisku waxa uu sheegay inay qabteen Kun iyo Hal qof oo bahalkaas iibinnaayay, warbixintii lixdan bilood ee danbe wali Boolisku may sheegin, markaa Kunkaa qof haddii aynu celcelis ahaan u eegno waa Boqol Kun oo Littir oo Khamri ah, haddii Somaliland oo dhan ay Toban kun oo qof ka cabto Khamriga halkii qof ee ka midiba hadduu Sanadkii hal qof keenno waa Labaatan kun oo qof, markaa waxaan idin sheegayaa Saddex sano gudahood inay Boqolaal kun gaadhi karraan, oo guri kasta oo Somaliland ay ka soo toosi doonnaan Saddex qof oo Khamriga cabta.

Taliyaha Ciiddanka Booliska intaa wuxuu waddaa qaylo dhaan uu leeyahay waar reer Somaliland ubadkiina ogaada, wax dhagaysannaaya arki maysid, gebiga ummadiiba waxay mashquul ku yihiin hebel baa Xisbi loo dhiibay iyo hebel baa Xisbi laga qaadday, ummaddiina dagaal baa ku socda oo Daroogo ayaa lagu soo daldalayaa, ururrada dhalinyaradda, Aqoonyahanka jaamacaddaha ka baxay rag iyo dumar, Dhalinyaradda Shaqo qaran, Culimadda, Macalimiinta dhammaanteen waxaynu u baahannahay Olale hal sano ah oo laba dhinac oo kala ah Waqooyiga iyo dhinaca oogadda, markaa dhulkeenna baaddiyaha ah ayaynu Aqoonta iyo Cilmiga gaadh-siinaynaa si aynu ummadda uga saarno jahliga oo Daroogadda ula dagaalano." Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Haybe

Loading...
Loading...