Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xaddiga Lacageed Ee Ku Baxday Maddaarka magaaladda Berbera

0
Monday November 22, 2021 - 15:11:27 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Xaddiga Lacageed Ee Ku Baxday Maddaarka magaaladda Berbera

    Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Dawladda Imaaraadku 55 Million oo Dollar ku bixisay Madaarka Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Dawladda Imaaraadku 55 Million oo Dollar ku bixisay Madaarka Berbera


Hargeisa(HWN):-Maareeyaha Hay’adda Madaarada iyo Duulimaadyada Cumar Cabdillaahi (Cumar Sayid), ayaa sheegay in mashruuca horumarinta ee Madaarka Berbera ay Dawladda Imaaraadku ku bixisay lacag gaadhaysa 55 Million oo dollarka Mareykanka ah.
Khadar Maxamud - Mareeyaha Hay,adda Madaarada Somaliland... | Facebook


"Mashruuca Horumarinta Madaarka Berbera ee Madaxweyne Muuse xadhiga ka jaray waxa ku baxday aduun lacageed oo dhan 55 Million oo dollar, oo ay dhammaanteed bixisay dawladda Imaaradka carabtu. 

Mashruuca qaradaas leh, iyo horumarka intaa leeg ee ummadan u soo kordhay, ayaa shacbiga Somaliland iyo Madaxweynahooduba u dabaal-dagayeen.” Ayuu yidhi Maareeye Cumar Sayid, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka jawaabaya dhaliillo maalmihii u dambeeyey loo jeedinayey madaxweyne Muuse Biixi,

"Waxaan arkayaa qoladii mucaaradka oo khudbadii madaxweynaha ka samri waayay, horta Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee cusubi laba jeer ayuu soo hadlay ilaa intii xaflada ka dambaysay, musharaxii xisbigaas odaygii cirona isna waa soo hadlay. Qaar badan oo kale oo iyaguna wali samri la ayaa jira oo wali hadlaya.

Waxaan leeyahay qolada mucaaradka gaar ahaan xisbiga wadani goolkaasi wuu idinka dhashay, waayo waxaad tihiin oo shacbiguna idiin oghayay xisbigii ka soo horjeeday mashaariicda horumarineed ee Somaliland iyo imaaraadku ku heshiiyeen.

Markaas maanta waa gartiin inaad iska soo daba hadashaan, kol hadii aydaan intood umada hor timaadaan khaladkii aydaan raali galin ka bixinayn.
Siduu sheegay gudoomiye faysal raali galinta cirro qarsoodiga ku bixinayo shacbiga Somaliland ayaa u baahan in la raali galiyo.”

Loading...
Loading...