Xirsi Oo Sheegay In Ciro Ragiisii Dhisay, Muusana Uu Dayacay Ragii La Joogay

0
Monday November 22, 2021 - 13:34:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Oo Sheegay In Ciro Ragiisii Dhisay, Muusana Uu Dayacay Ragii La Joogay

    "La yaab ayay ahayd inuu madaxweynuhu ku mashquulay xisbinimo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"La yaab ayay ahayd inuu madaxweynuhu ku mashquulay xisbinimo"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa marlabaad ka hadlay qaabkii uu Muuse Biixi uga hadlay Xafladii xadhig karjarka madaarka Berbera, Waxaanu Xirsi sheegay in madaxwaynuhu ka cadhaysanyahay qaabka uu udhacay shirkii Waddani ee Xirsi loogu doortay Gudoomiye-nimada.



"Xafladdii shalay ee Berbera, nasiibdarro ayay ahayd Madaxweyne Muuse oo Madax u ah xisbiyada, golayaasha, bulshada iyo dawladdaba inuu ku mashquulay koofiyaddii xisbigiisa oo uu ka xumaado Cabdiraxmaan Cirro oo raggiisii dhisay, halka uu isagu raggiisii dayacay. La yaab ayay ahayd inuu madaxweynuhu ku mashquulay xisbinimo iyo tartan soo socda oo tii dawladnimada iyo qarannimada arki waayay. Laakiin se ninka raggiisiiba dayacay, rag kala mahadin maayo.

 

Madaxweynaha waxa ka muuqatay aragti ah inuu ku mashquulsanaa ama ay culays ku haysay xisbigaa kale ee isdoortay iyo hannaankaa dimuqraadiyadeed oo halkii uu ka hambalyayn lahaa uu si cadhi leh uga jawaabay. Ta noocaas leh ayaynu tartankeedii gelaynnaa." Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Hersi Ali H Hassan

Loading...
Loading...