"Madaxweynaha waxa xafladdii ka jiidhay Xirsi" Xoghayahe Khadar

0
Monday November 22, 2021 - 12:44:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha waxa xafladdii ka jiidhay Xirsi" Xoghayahe Khadar

    "Waxa ka baqayaa in meelihii Siillaanyo hore u furay in liiskoodii la soo qaato in dib loo furo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ka baqayaa in meelihii Siillaanyo hore u furay in liiskoodii la soo qaato in dib loo furo"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi u qaadan waa ku noqotay in Xirsi Cali Xaaji Xasan noqday Guddoomiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Cirro-na ka tanaasulay inuu u tartamo

 

"Waxa la furay Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera, oo Xukuumaddii Siillaanyo soo bilowday, anigu waxan moodayey in la furay 2014-kii, laakiin Muuse iskaga ceshay mar labaad, sidii riwaayadihii. Waxa ka baqayaa in meelihii Siillaanyo hore u furay in liiskoodii la soo qaato in dib loo furo. Odayga (Madaxweyne Muuse Biixi) waxay xafladdu ka xumaatay oo uu firkanaxay markii uu arkay Xirsi oo Guddoomiye Xisbi ah oo soo hor fadhiya. Markaa Madaxweynaha Xafladdii Xirsi ayaa ka jiidhay, maxaa weli uu u qaadan la’yahay Xirsi ayaa Gudsoomiye ah, xataa waxan maqlay in maalintii Cirro sheegay in aanu tartamay, warkaaga Madaxtooyada uu geli waayey, markaa Warkaasi shalay ka hor ma gelin Madaxtooyada Guddooniyenimada Xirsi.” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Hussein Abdi


Loading...
Loading...