"Abaal baan u hayaa Beeshan oo codkii ugu badnaa i siiyay" Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

0
Monday November 22, 2021 - 10:49:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Abaal baan u hayaa Beeshan oo codkii ugu badnaa i siiyay" Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

    "Abaal baan u hayaa Beeshan oo codkii ugu badnaa i siiyay" Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Abaal baan u hayaa Beeshan oo codkii ugu badnaa i siiyay" Guddoomiyaha Golaha Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Ahmed ayaa sheegay inuu abaal wayn u hayo beesha Gerxejis oo uu tlmaamay in guddoomiyenimadiisa ay u coddeeyeen 20 Xildhibaan oo ka mida 25-kii beeshaas u soo baxay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada S/land oo shaaciyey Liiska Guddi-hoosaadyada Golaha+Xildhibaan walba Guddida lagu daray | Qaran News


Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif waxa uu sheegay balankii ay wada galeen Cabdiraxmaan Cirro inuu fulliyay oo uu ka soo baxay, waxaannu hadalkan ka jeeddiyay munaasibad beesha Gerxejis u samaysay Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan.

"Beesha halkan fadhida, waxay ahayd beeshii ugu badnayd ee Xildhibaano u soo baxaan. Beeshan waxa u soo baxay 25 Xildhibaan, waxaanna aniga (Guddoomiyaha golaha Wakiillada) ii coddeeyay 20 Xildhibaan oo ka mida. Ragga halkan fadhiyana umalayn-maayo habbeenkii la i doorannaayay inay seexdeen, abaalkaas waan idin hayaa.

Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Anigu markaanu shaqadda ka tagnay waxay 26-kii bishii October, maalintii ay ahayd 1-kii NOVEMBER ayaa guddoomiyihii hore ee Xisbigu imikanna ah Murashaxa Xisbiga, ayaa ragayagii shaqadda ka tagay Nin meel kula balanay, markaa Aniga telefoon ayuu ii soo diray oo igu yidhi inaan kulano oo aan gurigaaga kuugu imaaddo ayaan rabbaa oo nin Murahax ah ayuu ahaa oo cod doonnaayay, markaa rag buu aruursannaayay, waan ka diidday oo waxaan ku idhi anigaa kuu imaannaaya, markaa waan u tagay waxaannu isla qaadanay Barnaamijkii uu watay inaan ka tarro wixii aan ka tari karraayo. Guddoomiye Cirro wuxuu i su'aalay maxaad ka doonaysaa Xisbiga, waxaan ugu jawaabay haddii aynu guulaysano waxba kama rabo Xukuumaddaada, balse haddii doorasho Baarlamaan la galo waxaan rabaa inaan isu soo taago oo Guddoomiyha golaha Wakiillada aan noqdo, waxaan u qirayaa saaxiibkay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), inaanay maalin qalbigiisa ka bixin balankii aanu wada-galnay.

Loading...
Loading...