Burco Waxay Bud Dhigaheen Ahayd, Badi Hogaankeena, Bari Iyo Galbeedkaqaribay, Beelo Kala Sheegta

0
Monday November 22, 2021 - 09:46:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco Waxay Bud Dhigaheen Ahayd, Badi Hogaankeena, Bari Iyo Galbeedkaqaribay, Beelo Kala Sheegta

    [Bogsado Wadaniba U Baxay Beeshi Wada Taalay]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Bogsado Wadaniba U Baxay Beeshi Wada Taalay]

  BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

1-BARI IYO GALBEED REER BURCO,WAY BURBURIYEENE,

    BEELIYO QABYAALADII BARTOO,BAHASHI CEEBAWDAY,

    KA BOGSADE BELAAYIYO NAXLIGI,BUUQI REER HEBELE,

    BAABACO WALAANIMO ISU MARI,BEESHA WADA TAAL.

 

2-BAH QUDHAY AHAAYEN,ALLANA MEEL KU WADA BEERAY,

    BUSHARUU WADANI KEENAY IYO,XAAJO LOO BOGGAYE,

    BADHEEDHIYO KU DHICID BAY RABTAA,GEESI BEEGSADA,

    BILAASH LAGUMA HELO MADAXNIME,BERATAN WEEYAN.

 

3-BARBU KAGA DHAQAAQUN CIDLAHA,URURADII BEESHA,

    BARI IYO GALBEED WUXU SIMAY,BAAXADA GOLAHIISA,

    BOORAME TALEEXIYO HADDU,BADHANBA GAADHSIIYEY,

    BALIGUBADLE WAA LAGU YAQAAN,SAMIRKA BAADAAYA.

 

4-BADBADADA DALKODAWGA BILAN,BUUXI MAGAC BEELA,

    WAA IN LAGA BADSADO QAYBSIGIYO,BIXIN KURAASEEDE,

    BUUNKA IYO MARKAY QAYLADA IYO,BIGILKU YEEDHAAYO,

    BIRTA LOO AFAYSTAY XORNIMO,BEERKA SOO DHIGAYAN.

                                ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...