Ujeedada Kulan Dhexmaray Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Iyo Safiirka Ingiriiska Ufadhiya Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee dawlada Somaliya Danjire Axmed Ciise
Cawad, ayaa muqdisho ku qaabilay safiirka UK ufadhiya Somaliya Benjamin James
Fender.
Kulankan ayay labada masuul kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashiga dhinac kastaba leh.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.
Dowladda UK ayaa ka mid ah dowladaha sida muuqda u taageera dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Loading...
Loading...