Hogaamintu Waa Hibo Eebbe Baxshaa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday November 22, 2021 - 09:37:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Hogaamintu Waa Hibo Eebbe Baxshaa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Hogaamiyaw Magacaa Ba' Mar Haduu Askari Mayalkaw qabtay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Hogaamiyaw Magacaa Ba' Mar Haduu Askari Mayalkaw qabtay!

            Hogaamiye waa masuul ummadeed oo xil lagu aaminay, loona doortay inuu hogaamiyo ummad ama ha yaraato ama ha badnaatee. Hogaamin-tuna waa haybad uu ilaahay qofka ku manaystay, ee maaha wax la iska yeel-yeeli karo, la isma amaahin karo, mana aha wax la iska sheegan karo. Waxad arkaysaa boqolaal jaamacad ka baxay oo aan hogaamin lahayn iyo shakhsi aan jaamacad dhigan balse ilaahay haybad u siiyey hogaaminta. Kuma xidhna da'dda ama cimriga iyo waxa aad baratay, waxa jira qof da'diisu tahay labaatan sano, oo Hadana hogaamin-tiisu boqol goor ka fiicantay mid konton sano jiray ama ka badan-ba. mid kaloo ku andacoodda wax bana bartay laakiin wax uu yahay aanay jirin-ba

             Hadaba Hogaamiyaha Dhabta Ahi Waa Midka Astaan Noocee Ah Leh?

 

              Hogaamiyaha dhabta ahi waa ka leh astaamahan soo socda:-

 

            (1) Dacadnimo iyo cadaalad

            (2) Dulqaad

            (3) Hubsiimo iyo u fiirsasho.

            (4) Sinaan iyo walaalayn baa lagu wadaa.

            (5) Hogaaminta laguma xoogsado.

            (6) Wax laguma boobo,

            (7) Awood laguma sheegto.

            (8) Iskuma diro ummadda uu hogaaminaayo.

            (9) Xaq darro kuma taliyo iyo Eex.

            (10) Lama coloobo qaybo ka mid ah kooxaha hoos yimaadda Hogaamin-tiisa .

            (11) Ma noqdo mid u kala sheekeeya ummadda si uu u kala xado,

            (12) Hogaaminta uma adeeg-sado dani-hiisa gaarka ah.

 

            Hadaba hadii aynu kala qaad-qaadno qodobadan aynu soo taxnay, sooma wadda koobi karno in aan mid-mid u sharaxno, balse aan dhawr qodob ka soo qaadano, oo ah sifaha hogaamiyaha loo baahan yahay:-

            (a) Ta ugu horaysa  oo ah daacadnimo iyo cadaalad marka xil ummadeed laguu dhiibo waa inaad daacad ka noqotaa mar kasta oo aad daacadnimo ugu shaqayso ummadu way ku sii jeclaanaysaa. Cadaaladda. Markaad hogaamiye wanaagsan tahay waa inaad ummada aad hogaamiyaha u tahay u xaq-soor samaysaa, oo aanad u kala eexan, hadiise aad soo kala dhawaysato, xaajadu waxay noqonaysaa rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye, Allana waa kugula xisaabta-mayaa cadaalad daradaa aad ka dhex samayso.

            (b) Dulqaad iyo deeqsinimo. Markaad hogaamiye tahay waa inaad dul-qaad-keedda lahaataa, aar-goosi, cuqdad in gaar ah aad ka qaadaa, waxay muujinaysaa hogaamin la'aan, waxana ay sawir wacan ka bixiyaan shakhsi-nimadda qofka hogaamiyaha sheeganayaa in ay daciif tahay sidda " Raggii ma adigaa ka hadhay".

 

            (c) Hubsiimo iyo u fiirsasho.Wuxu yidhi (Ihun) Abwaan Ibrahim Gadhle " Miyir-kiyo Hubsiimadu maro weeye la huwado" Micnuhu waxa weeye, wax aanad ka baaraan degin ha ku kicin.

 

    

 

             * Hogaamiyaha wanaagsani ee lagu dayan karo, waxa sifa-heedda leh oo hogaaminta wacan tusaale u ah:-

 

             (1)  Gudoomiyaha Shir'Gudoonka Wakiiladda:- Mudane Abdirasaq Khaliif.

             (2) Gudoomiyaha Xusbiga Rajadda Shacabka ee Waddani:- Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan.

             (3) Musharax Xusbiga Rajadda Shacibka ee Waddani:- Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

              Akhristaw waa waxa ay ummadda Reer Somaliland ugu soo ururtay "Xusbiga Waddani" ee looga soo yaacay  Xusbiggii la odhan jirey Kulmiye ee hadda la baxay Qudhmiye, kaas             oo haleeyey dalkii iyo dadkii ( Rabbi ha inaga qabtee).Hogaamin xumaanta askartu waa ina baabi'isay ee qayr-keen iyo qayr-ku-xeenkeen-ba, meesha-na ka saartay rajaddii ay                 ummadani lahayd ama ku naaloo-naysay. Muwaadin hadaba, waxa inagu waajib ah, waa haddii ay dani kaa hayso dalkan iyo dadkan, in aad fekerto, oo aad ka baxado reer hebel iyo        nin jeclaysi, u soo jeesato wax wadda lahaan-shaha, sinaanta cadaaladda, eex la'aanta iyo ilaalinta danaheema guud nooc kaste oo ay tahay-ba. maanta waa in aynu kala dooranaa          dal la'aan iyo dad la'aan, kolba-na ka aad doorato ba aku huran. sidaas awgeed, waa in aad ku mitido siddii aad u ridi lahayd qudhmiye iyo askar-tiisa kugu dhoobaystay, oo aad                  far-taadda ku ciil baxdo, haddii kale miyaa, sii qodo xabaashaadda, oo adigu isku rid, hana eersan cid kale ee naf-taadda eerso, ilayn adiga baa isugu wacan wax kaste oo ku soo                gaadha-ba'e. Akhristaw adiga bay kugu xidhan tahay sidda aad doonayso in noloshaadda ugu talisid.

 

    

 

            Ugu dambayn waxan ku soo xidhay, way dheeraanaysaa in aynu mid-mid u sharaxno 12 qodob ee sare ku yaala. Waxa is weydiin leh hadaba Askarigan " Xaafad-tooyadda" ka bef-bef lihi ma leeyahay astaamaha aan soo dul marnay? Jawaabtu waxay tahay Askarigu ma  laha, umana dhalan, mana canjili karo, waxa sideeda-ba ka maqan, oo uu ka madhan yahay, waxa la yidhaaho hogaaminta iyo qaabkii uu lahaan jirey hogaamiye. Waxa keliya oo uu yaqaanaa in uu ku hogaamiyo, xaaladihii lagu yaqaanay "Askari Macangag ah" Sidda kan ku tuntay maamulkii somaliland, kaas oo aan meela ka soo geli maamul dawladeed, ee wax ku wadda " Qub Iyo Qac" iyo Dib u jeeso, dig-toonaw, horey soco. Sidaa-sina maaha hal-adaygnimo, ee waa waali iyo macan-gagnimo aan xad iyo xishood lahayn. Taasi waxay ina tusaysaa, oo si wacan inoogu qeexaysaa, in ay ummadda Somaliland aanay ku gelin karin, maamul uu Caaqil beeleed hor boodaqyo, siddii uu askarigu-ba ka qirtey  Tuuladda " Agabar" markii uu ka soo noqday " Seediggii ina geelle basal" Waa ka ku hor kaaja " Xaafadda Jabuuti" ee aynu jaarka nahay, ee uu kol walba u sii qaado dhawrka joog ee Muqmadda ahe.

            * N.B Hogaamiyaw Magacaa Ba' Mar Haduu Askari Mayalkaw qabtay!

            Qore:- Abdi-shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...