QARANDIDA

0
Monday November 22, 2021 - 08:57:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QARANDIDA

    W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Qarandidu waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordate) gaar ahaan bahweynta Naasleyda (Mammalia). Sidoo kale waxay ku jirtaa qoyska hoose ee qarandida (Oryc teropodidae). Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Orycteropus afer). Qarandidu waxay leedahay astaamo ay xayawaannada kale oo dhan kaga duwan tahay sida inay sanka uga eeg tahay doofaarka, dhegahana uga eeg tahay bakaylaha, dibka dheerna ay ka siman yihiin kaanguruuga. Asal ahaan waxay laga helaa dalalka afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaa la aaminsan yahay inay asalkeedii hore ka timi xayawaan kunool koonfurta qaaradda Ameerika oo looyiqaano (Antearter), taas oo ay dad badan isku khaldaan iyada iyo qarandida.



Qarandida waxa ay qaraabo dhaw yihiin laba xayawaan ee kala ah (pangolins) iyo (armadillos) kuwaas oo ku kala nool qaaradda afrika iyo koonfurta qaarada ameerika. Deegaan ahaan waxay ku nooshahay deeganada cawska leh, kaymaha, banaanada iyo qaybo kamid saxaraha. Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Aardvarks), Carabidana (خنزيرالأرض), Afka Soomaaligana Qarandi, Saddex suulley iyo Xabaala quf. Cimriga qarandidu waxa uu gaadhaa 13 ilaa 23 sano , dhererkeeduna 109 ilaa 135 sentimitir, halka uu culayskeeduna gaadho 50 ilaa 82 kiiloogaraam.  Waxayna leedahay 20 hiddo-side. Qarandidu halkii mar waxa ay dhashaa hal ilmo, sidkeeduna waa todoba bilood, ilmaheedu wuxuu ku koraa si dhakhso isagoo ku qaangaadha laba sano.


Qarandidu waxa ay quudata noolayaasha yaryar ee cayayaan sida qudhaanjada iyo aboorka, gaar ahaan habeenkii oo maalintii badanaa masoo baxdo, waxay habeenkii socota si ay cayayaanka u raadsato 2 ilaa 5 kiiloomitir. Xayawaankani ma laha ilka hore balse waxay leedahay 22 gaws oo keli ah iyo carab aad u dheer oo ay kusoo ururiso cayayaanada ay quudato, waxayna ku qodaa dhulka labadeeda lugood ee hore. Qarandida hoygeeda waxay ka qoradaa dhulka hoostiisa oo waxay gashaa god aad u weyn, sidoo kale waxa ay maqaarka sare iyo dibka danbe isaga eeg yihiin Doofaarka, wiyisha iyo maroodiga. Ugu danbayntii soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qarandi xabaalo qoday qudhunbay uga dhacdaa, markay sheegayaan arrin aad u foolxun oo aan haboonayn in aad loo wadwado ama in la joojiyo.


Maxaa ruux qaldhebayoo

Qormadii rugtiisiyo

Qudha laga toleeyoo

Misna quusaan waayoo

Nafta quudhi waayoo

Qarandida sideedii

Qodanayaa booraan

Godka meel qarkiisa

Qoobley ordaysiyo

Fardo qaxay ku jiidheen.

 

     Qudhuro | 1980kii.

Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...