Booliska Nairobi Oo Baadhaya Dhimashada Weriye Bbc-Da Ka Tirsaneyd

0
Monday November 22, 2021 - 08:40:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Nairobi Oo Baadhaya Dhimashada Weriye Bbc-Da Ka Tirsaneyd

    "Dambiilaha looga shakisan yahay falkan ayaa iska soo tuuray dabaqa siddeedaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dambiilaha looga shakisan yahay falkan ayaa iska soo tuuray dabaqa siddeedaa"

Booliska Kenya ayaa billaabay baaritaan ku aadan dhacdada weriye ka tirsaneyd BBC-da oo ku geeriyootay magaalada Nairobi.

 

Kate Mitchell, oo u dhalatay Ingiriiska lana shaqeyneysay BBC Media Action isla markaana ka howlgaleysay dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa geeriyootay Jimcihii xilli ay ku sugneyd huteelkii ay ka dagganeyd magaaladaas.

 

BBC Media Action waa hay'ad caalami ah oo qaabilsan baarnaamijyada samafalka iyadoo mashaariicdeeda ay diiradda ku saarto si warbaahinta iyo isgaarsiinta loogu adeegsado waxkaqabashada sinaan la'aanta ka jirta adduunka.

 

Iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay dhimashada gabadhan, booliska Kenya waxay warbaahinta gudaha u sheegeen inay baarayaan dhimashada iyo sababaha la is dhihi karo wey ka dambeeyeen.

"Dambiilaha looga shakisan yahay falkan ayaa iska soo tuuray dabaqa siddeedaa ee huteelka kadib markii uu ogaaday in ilaaladii huteelka ay ku dabo jirtay" waxaa sidaas weriyeyaasha u sheegay, taliyaha booliska Nairobi, Augustine Nthumbi.

 

Kate Mitchell waxay dhawaan ka howlgashay xafiiska BBC Media Action ay ku leedahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

 

"Dhammaanteen waxaan ka argagaxnay oo inaga nixiyay warka naxdinta leh ee ku saabsan dhimashada weriyaha" ayay tiri madaxa guud ee BBC Media Action kadib bayaan ay kasoo saartay dhacdadan.

 

"Kate waxay aheyd shaqaale inaga tirsaneyd oo aad loo jeclaa, waxay mar aheyd maamule sare oo qaabilsaneyd dhanka mashaariicda hay'adda, muddo 14 sana ah ayay inala shaqeyneysay, si weyn ayaa looga yaqaanay gudaha hay'adda gaar ahaan kooxdeena ka howlgasha Itoobiya, South Sudan, Zambia iyo London"

 

Madaxa BBC Media Action waxay hadalkeeda raacisay "Waxaan tacsi u direynaa qoyska ay ka baxday gabadha iyo saaxibadeed ku sugan guud ahaan caalamka"

 

BBC


Loading...
Loading...