"Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay"

0
Sunday November 21, 2021 - 21:23:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay"

    "Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay"


Hargeisa(HWN):-Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka jawaabaayay hadallo uu maalintii shalay ku duray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu Afar-sano kadib uu wali taagan yahay xaruntii Xisbiga KULMIYE iyo shiararkii jaraa'id ee yooyootanka iyo xajiimaynta ahaa.
May be an image of 4 people and people standing


Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro waxa sheegay inuu Madaxweynaha uga mahad-celinnaayo inuu shacabka Somaliland u sheegay inuu yahay Madaxweynaha kursiga uga danbayn doonna, waxaannu ku eeddeeyay Muuse Biixi innuu Xaasidday libintii iyo bilowgii mashruucaas oo uu Ahmed Siilaanyo lahaa, isagoo sheegay inaanu mar qudha magaciisa soo hadal qaadin.

"Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweyne Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shirarkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.

Shacabku waxa ay kaa filayeen in aad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.
Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas'e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baal-marsaneyd sharciyadda dalka."

Loading...
Loading...