Ergay ka mid ahaa Shirweynihii WADDANI oo lagu Xidhay Gabiley Iyo Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay

0
Sunday November 21, 2021 - 16:31:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergay ka mid ahaa Shirweynihii WADDANI oo lagu Xidhay Gabiley Iyo Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay

    Ergay ka mid ahaa Shirweynihii WADDANI oo lagu Xidhay magaalada Gabiley Iyo Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergay ka mid ahaa Shirweynihii WADDANI oo lagu Xidhay magaalada Gabiley Iyo Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay


Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay mid kamid ahaa ergooyinkii ka soo qayb-galay shir weyinihii labaad ee Xisbiga WADDANI ee dhawaan lagu soo afmeeray magaalada Hargeysa,kaas oo kamid ahaa ergooyinkii ka yimi Gobolka Gabiley,balse nasiib darro ayaa la sheegay in markii uu hadda ku laabtay magaalada Gabiley loo taxaabay Xabsiga.
Sida Uu Xisbigu U Fikirayaa Waxa Weeye Olole Nadiif Ah Oo Uu Reer Somaliland Codkooda Marti Uga Yahay” | Somalidiasporanews.com


Ergay-gan ka soo qayb gallay shir weyiniihii labaad ee Xisbiga WADDANI ee lagu xidhay magaalada Gabiley markii uu ku laabtay,ayaa lagu sheegay magaciisa Maxamed Cabdi Obolos,kaas oo xadhiga loo geystay lagu xidhiidhinayo arrimo siyaasadeed iyo inuu ku lug leeyahay ka qayb-galkii uu ka qayb-galay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI.

Dhanka kale Xoghayaha Ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga WADDANI Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka hadlay xadhiga loo geystay xubintaa ka tirsan Xisbiga WADDANI,isla markaana kamid ahayd ergooyinkii ka qayb-galay shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI,waxaanu ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay xorriyadiisa ay dib ugu soo celiso muwaadinkaas.

Xoghayehe Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay facbuuga, kaas oo u dhignaa sidan:-"Maxamed Cabdi Obolos oo ka mid ahaa ergooyinkii Shirwaynaha 2aad ee Xisbiga Waddani ku meyelayey Gobolka Gabiley ayaa markii uu laabtay lagu xidhay magaaladda Gabiley. Xaddhigaa aad baanu u cambaaraynaynaa waxaanan ugu baaqaynaa xukuumada in xoriyadiisii u celiso..”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa

Loading...
Loading...