Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Xasan

0
Sunday November 21, 2021 - 11:26:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Xasan

    Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Xasan


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI loogu doortay shanta sanno ee soo socota Xirsi Xaaji Cali Xasan, waa shan iyo kontan sanno jir 55, muddo ku soo jiray siyaasadda Somaliland,isla markaana saamayn weyn ku leh,kaas oo xilal kale duwan ka soo qaybtay.


Dhalashadiisii iyo Bar-baarintiisii

Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa ku dhashay miyiga Magaalada Burco sannadkii,1966-kii,halkaas oo uu ku soo qaatay qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo,isagoo ku bar-baaray koonfurta Somaaliya,isla markaana ku soo qaatay wax-barashadiisa asaasiga ahayd.

Doorkii Guddoomiye Xirsi Iyo Waayihisii Halgankii SNM

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa markii uu ka soo noqday koonfurta Somaliya isagoo dhallinyaro ah ku biiray ururkii xaq u dirirkii dalka xorreeyey ee SNM "SNM ayaan ku biiray sidii ayaa dalka lagu qabsaday markii dambena waxaan ku foofay wax-barasho iyo shaqo "ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi.
Jaamacadda


Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhammasytay wax-barashada Jaamacadda heerka koobaad iyo derajada labaad ee Jaamacadda (Masters Degree) oo uu ka haysto saddex shahaado oo Masters Degree ah,isagoo ku takhasusay culuum kale duwan
Ganacsiga

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mar uu ka warramayey taariikhdiisa sheegay inuu markii dalka la xorreeyey ee uu halkankii SNM dhammaaday uu ku bilaabay khibraddiisa shaqada mid iskaa wax u qabso ah ka dibna waxa uu ku biiray qaybta xawaaladaha ee Dahabshiil Group,waxa uu noqday maamulaha guud ee shirkadda Somtel oo qayb ka ah shirkadda isgaadhsiinta ee Geeska Afrika.

Siyaasadda iyo Xilalkii uu Soo Qabtay.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka guuray ganacsigii wuxuuna u wareegay siyaasadda. Isagoo kamid noqday kaatiriintii Xisbigii KULMIYE cahdigii uu Xisbigaas uu ahaa Mucaaridka,isla markana uu hoggaaminayey aasaasihii Xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Badhtamihii Sannadkii2007 kii ayuu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xirsi Cali Xaaji Xasan inuu noqdo xubninta Xisbiga KULMIYE u metelaysay Komishankii doorashooyinka Qaranka ee wakhtigaas, waxaana maal-mo kaddib loo doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenkii guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ee cahdigii Madaxweyne Riyaale.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si iskii ah iskaga casiley xubinimadii iyo Xilka Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland afartii bishii shannaad ee sannadkii 4/5/2008-kii,kaddib markii Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale ay faragelin ku bilowday xubnihii cusbaa ee Komishanka doorashooyinka,kuwaas oo maal-mo kaddib iyana xilalkii iska casiley

Sannadkii 31/7/2010-kiimarkii Madaxweyne Siilaanyo uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda ayaa Xirsi Cali Xaaji Xasan uu u magcaabay inuu noqdo Chief of Cabinet Madaxtooyada isagoo mudo sannad ah Xillkaasi hayay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markale haddana sannadkii 11/6/2011-kii mudane Xisri Cali Xaaji Xasan u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo afar sanno iyo dhawr bilood ah,kaas oo uu iska casiley bishii October 26/10/2015-kii,kaddib markii isaga iyo wasiiro kale ay ka biyo diideen Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Xisiga KULMIYE oo wakhtigaas loo cumaamadayey inuu noqdo Muuse Biixi.

Xisbiga WADDANI

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku biiray Xisbiga WADDANI bishii October 5.2016-kii,waxaanu noqday Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI,kaas oo uu hayey muddo shan sannadood ku siman,isagoo hadda shalay loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee shanta sanno ee soo socota ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Xisri Cali Xaaji Xasan, ayaa ah siyaasi degan oo qunyar socod ah,isla markaana u dhuun-dalloola siyaasadda Somaliland,isagoo muddo ku dhawy labaatan sanno ku jiray siyaasada Somaliland,isla markaana lagu tilmaamo inuu yahay siyaasi hormood u ah siyaasiyiinta jiilkiisa ah,waana siyaasi dhaqan yaqaan ah oo maddaale ah oo yaqaan shaxda siyaasadda Somaliland godadkeeda kale duwan hadba ka uu degayo.

Loading...
Loading...