Xadhig Farabadan Iyo Beegsiga Dad Gaar Ah Oo Addis Ka Bilawday

0
Sunday November 21, 2021 - 08:42:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhig Farabadan Iyo Beegsiga Dad Gaar Ah Oo Addis Ka Bilawday

    "Weligay ma malaynayn in magaalada aan ku dhashay aan ku arkayo dhibaatayn noocan oo kale ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Weligay ma malaynayn in magaalada aan ku dhashay aan ku arkayo dhibaatayn noocan oo kale ah"

Xadhiga labada bare ee caanka ka ah caasimadda dalka Itoobiya ayaa dareen cusub galiyay eedeymaha loo jeedinayo ee ah in maamulku uu ku howlan yahay olole naxariis darro ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Tigreega ah, iyadoo dalkaasi ay sii xumaanayso colaadda sannad ka hor ka bilaabatay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.



Professor Assefa Fissiha iyo Mehari Redeai labaduba waxay sharciga ka dhigaan Jaamacadda Addis Ababa.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin xadhigooda, haddana ilo-wareedyo badan ayaa BBC-da u sheegay in ay xidhxidheen ciidamada ammaanku oo lagu eedaynayo in ay jabiyeen shuruudaha xaaladda degdegga ah ee Itoobiya, oo lagu soo rogay xilli ay ciidamada Tigray-gu ku soo wajahan yihiin caasimadda horraantii bishan.


Waxaannu kula xidhiidhaynay khadka taleefanka, qaar ka mid ah qoysaskoodii iyo asxaabtoodii barayaashan Tigrayga ah iyaga oo u muuqday kuwo dareemaya cabsi badan,waxaana ay ka walaacsanaayeen inaan magacyadooda la sheegin, taas oo sidoo kale ay sheegeen in ay sahli karto in si fudud la isaga xidho,


Sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, ugu yaraan 1,000 Tigray ah, iyo laga yaabo in kale oo badan. ayaa la xiray maalmihii la soo dhaafay.


Dad kale oo Tigree ah, oo haddana magacooda qariyay, ayaa ku tilmaamay dareen werwer leh oo ka jira caasimadda, iyaga dadku ay doonayaan in ay qariyaan lahjaddooda iyo haybtooda taas oo ay suuragal tahay shaqada looga saaro isirkooda awgeed.


Dadka la sheegay in ay dhibaatadu soo gaartay waxaa ka mid ah dhakhaatiir, fanaaniin iyo boolis."Weligay ma malaynayn in magaalada aan ku dhashay aan ku arkayo dhibaatayn noocan oo kale ah," ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay, isagoo sheegay inuu daawaday 10 askari oo booliis ah oo hubeysan oo ka kaxeynayay gurigiisa toddobaad ka hor nin u yaqaannay.


Saraakiisha Itoobiya ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada in ay cid gaar ah beegsanayaan

Madaxa xafiiska isgaadhsiinta dawladda Itoobiya, Legesse Tullu, ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in xadhiga lagu xidhay dadka qaar in ay jebiyeen xaaladda degdegga ah uusan ahayn mid salka ku haya haybsiga qowmiyadaha ee shakhsiyaadka.


Shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay taageeraan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo Isbaheysiga Xoreynta Oromada, oo loo aqoonsaday inay yihiin Argagixiso, ayuu sheegay in la xidhay.Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay caasimada ku sugan yihiin in ka badan 500,000 oo qof oo Tigray ah balse tirada dadka la xidhay aanay ka badnayn 1,000 qof.


Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ka digay isku dayo wadajir ah oo lagu doonayo in lagu majaxaabiyo xaqiiqada ku saabsan cadaadiska iyo guud ahaan xaaladda Itoobiya, isagoo bartiisa twitter-ka ku soo qoray in lagu soo qaaday "dagaal xun" oo ka dhan ah qaranka, wuxuuna ku booriyay Itoobiyaanka inay u diyaar garoobaan "in ay beddelaan sheekada guracan ee laga faafinayo".

Balse dhaleeceynta caalamiga ah ayaa u muuqata mid sii kordheysa.


Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay booliiska Itoobiya inay ku takri falaan "sharciga si xad dhaafka ah" ee xaaladda degdegga ah si ay u ururiyaan dadka rayidka ah ee Tigrayga ee ku sugan Addis Ababa si fudud "iyaga oo looga shakisan yahay" inay taageeraan fallaagada Tigrayga.

 

BBC

Loading...
Loading...