Qaranku Ma Madaxweyaha? WQ. Axmed-xiis Dharbaan

0
Thursday March 07, 2019 - 10:59:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaranku Ma Madaxweyaha? WQ. Axmed-xiis Dharbaan

    Louis XIV, waxa uu ahaa boqorkii ugu mudada dheeraa Yurub. Waxa uu ahaa boqor loogu magac daray cadceeda;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis XIV, waxa uu ahaa boqorkii ugu mudada dheeraa Yurub. Waxa uu ahaa boqor loogu magac daray cadceeda;
 waana la jeclaa. Louis gaas 14aad ayaa la waydiiyey. Horta boqorow qaranku waa ayo? Louis waxa uu yidhi "L'état C'est Moi". Oo Soomaali ku noqonaysa "Qaranku waa Aniga".

Qaranku waa Aniga, odhaah u dhaw, waxa Burco ka yidhi Ina Biixi, markii dhawaan lagu soo dhaweeyey Burco. Muuse waxa uu reer Burco ku yidhi "Waxa aad soo dhawayseen qarankii".


Qaranku ma madaxweynaha? Ma xukumaddaa? qaranku waa ayo?

Haddii qaranku uu yahay madaxweynaha, markaa qarankii Somalia waa Farmaajo. Farmaajo waxa muuqata in uu talo saartay Axmed Cabaaye. Xisaabta haddii aad ku wacan tahay, waxa kusoo baxaysa in qarankii Somalia lagu bahdilay Nairobi.

Qaranku waa Ayo?

Su'aashani ma fududa. Aan ka bilaabo faaladda ay ka bixiyeen qaar ka mida mufakariintii muslimiintu. Faraabi waxa uu leeyahay buug ka falooda siyaasadda/qaranimada oo Afka Ingiriisida lagu yidhaa Virtuous City. Farabi waxa uu qiray in ay adag tahay in la helo hoggaamiye wanaagsan sidaa daraadeed, waxa uu tageeray in la addeeco kolba cidda xukunka haysa.

Farabi waxa uu aqoon u lahaa falsafada, waxa aanu doorbiday xaakimku in uu noqdo nin faylasuuf ah. Faylasuuf ka shaqeeya wanaagga iyo farxadda ummadda. Farabi waxa samaysay aragtidii Plato ee ahayd, xaakimku waa in uu noqdo Philisopher King. Farabi waxa uu Plato kaga duwanaa hoggaanku ha noqdo Muslim balaaqi ah oo aqoon u leh gabayga.

Qazaali oo Farabi ka dambeeyey, waa uu ku waafaqay in aan laga hor imman cidda xukunka haysa. Waxa uu kaga duwanaaday, xaakimku waa in uu noqdo nin diinta yaqaan, falsafaduna ha noqoto takulayso diineed.

Ibn Taymiyaha waxa uu soo jeediyey in xaakimka iyo caallimku ay noqdaan laba heshiis ku ah haggidda ummadda. Magaciisa walow dhawaanahay la ceebeeyo isaga iyo Cabdiwahaab hadana, raggaasi waxa ay lahayeen wax badan oo ammaan ah. Sabankana waxa sumcadda Cabdiwahaab ku cayaaray kuwa magaciisa wata ee taabacsan Reer Sacuud.

Mufakariinta Muslimiintu waxa ay janjeedhaan aragtida odhanaysa qaranku waa madaxda.

Machievelli ayaa isna qaranka ku kooban hoggaamiyaha. Ninkan oo u dhaqan eeg Amb. Cawil Cali Ducaale, waxa uu fakaansi siyasadeed ka hellay wakhti Florance laga caydhiyey qoys xukumi jiray oo la odhan jiray Medici. Wakhtigaa waxa uu noqday diplomasi, waxa guulaysatay aragti uu lahaa oo ahayd, ciidamada waddanku ha noqdaan dad wadanka u dhashay.

Ninkan markii dambe watii laga caydhiyey Florance. Machiavelli waxa uu yidhi "Hogaamiyuhu waa in uu noqdo dacaw iyo libaax isku jira". Dacaw-ga waxa ka adag yeyda, libaaxuna wuxu galaa dabinka. U dhaqan sida dacawga oo kaarto ku shaqee. Muuqaalka iska hagaaji, diinta ku shaqayso, Adiga oo aan amminsanayn waayo, dadka aad maamulaysid ayaa rumaysan. Libaaxna u dhaqan sidiisa oo ka takhalus wixii hortaada yimaadda.

Qaranku ma qofka hoggaanka hayaa?

Illaa hada raga aan soo qaatay waa kuwo u xaglinaya dhanka xaakimka walow, mufakariinta muslimiinta qisdigoodu uu ahaa dhawrista diinta hadana bacdamaa ay leeyihiin gar iyo gar daraba hoggaanka hala addeeco, illaa iyo uu isaga ka hor imanayo diinta mooyee, waxa ay la ollog yihiin Machievelli oo waa rag ammisan qaranku waa madaxa.

Plato isna waxa uu ku jiraa raga haysta qaranku waa madaxa. Liiskan waxa soo galaya mufakar Ingiriis ahaa oo la odhan jiray Thomas Hobbes. Ninkaa oo lixdan jirkisii arkay boqorkii Britain oo wadada dhexdeeda lagu biraynayo, waxa uu qoray Levaithan.

Hobbes waxa uu insaanka ka fahmay in ay yihiin wasakh, isu cadaw ah, midba midka kale. Shaydaanka aynu isu dhiibno oo isagu ha ina maamulo, ayuu la bad yimid. Shaydaanka lama arko, waxa hadalkiisa loo turjuman karaa in uu leeyahay boqortooyada hala addeeco oo iyaduna ha inoo roonaato lakiin, sida uu ku dooday Mullins, ninkaasi waa uu yidhi, talada halloo daayo Ibliz. Hobbes waxa uu is-barbar dhig ku samayeeyey dadyawga aan lahayn dawlad maamusha iyo dad heshiiyey oo addeecay shaydaan.

Qaranku ma qofka talada hayaa?
Qaybaha dambe la soco.

Axmed-xiis Dharbaan
[email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...