Heesta Layla la laay

0
Saturday November 20, 2021 - 09:16:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heesta Layla la laay

    W/Q: Amina Souleiman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amina Souleiman

Isaga oo ay bakooradu suxulka u sudhan tahay, qiiqa sigaarka isha ka dabaya, gacmahana ku tirinaaya noodh boqol boqol u badan ayuu garabka bidix jaleecay oo arkay ruux dumar ah oo kirishboyga la hadlaysa. Intuu xageedii u booday ayuu hadal dhaadheer ku yidhi "haa, haa, haa, waa Raybad Khaatumo, Raybad Khaatumo. Ma shidkaad rabtaa?”  Gabadhi intii aanay u jawaabin ayuu goodhi yar oo dhinaca waqooyi kaga beegan istaanka, foorar kaga soo baxay nin dheer oo dhuuban, timuhuna rifrifan yihiin. Kirishboygii ayaa xaraaskii u seenyaaleeyay dabadeedna orod ku koray jembigii gaadhiga, raarta sarena u baxay. Gabadh qaylinaysa kab dacas ahna gacanta ku sidata ayaa ka soo daba carartay ninkii dheeraa ee timaha rifrifnaa. Qac, bug, dam, aaaa, tolaa’ay, war kala qabo, naa joog, waar inanta ka xishood iyo waxoogay cay ah ayaa la isku tuurtuuray.

 

Buuq badan iyo maxaa dhacay cabaar layskula meeray waxa xigay jug xoog ah oo ka yeedhay daaqada shidka ee dhinaca darawalka oo uu xanaaq ku xidhay ninkii dheeraa ee timaha rifrifnaa. Wax yar ka dib makiinadii gaadhiga ayaa guux, gariir iyo qiiq isku dartay buuqiina kala firdhisay. Kirishboygii ayaa jirikaan cagaaran rakada sare xadhig ugu giijiyay, dhigaha dushoodana iska laalaadiyay. Xaraaskii oo jembiga haysta ayaa kaarigii oo dhulka taagan xabad sigaar ah weydiistay. Gaadhigii ayaa laba jeer hor iyo dib u ciiray guuxiisiina is taray. Ninkii dheeraa ee timaha rifrifnaa oo shookaanta kolba dhinac u gundhinaaya ayaa cod dhuuban oo xuur la moodo ku dhuftay, "laylaay, lay, lay, lalalala lala, laymuuneey caawa layl ku dheeraayeey,.. laylaay,.” Kirishboygii ayaa qosol kaga kacay oo dhigaha dushooda ka qayliyay, "waa maalin doqonyohow,.”. Xaraaskii oo weli buufinaaya xabadii sigaarka ahayd ayaa ku daray "wuu riyoonayaa, nacasku,.”

 

Inan dhoola yaryar oo sanduuq madow ku fadhida jembiga shidkana dhabarka ku haysa ayaa cod aad u macaan ku dhufatay, ‘ilaa Jigjigaan jembiga ka lushee jabaye yaa darawal jeclaan jirayeey.., Laylaay.’ Intaan rakaabkii jiibtii dhamaynin ayuu cod xabeeb yari ku ladhan tahay jembiga dambe ka yeedhay, ‘Guduudo Carwooy gugii la arkaba Alloow yaa gashaanti kaa dhiga eey.., Laylaay..’ Kirishboygii oo baakidh madhan oo Marlboro ah jeebka shaadhka kolna ku ridaya kolna ka soo saaraya ayaa rakada iska soo shalwiyay oo dhigaha halhal ugu booday. Xaraaskii ayaa dhoola yar eegay isagoo ku qaylinaaya, ‘waa ninkii heesta sameeyay, waa ninkii heesta sameeyay. Wallaahi waa ninkii heesta sameeyay.’

 

Gaadhigii ayaa laba jeer ciiray, qiiq madowna ku sii maca salaameeyay wadhatadii wadada Gacanta. Odeygii gadh case ee codka xabeebta leh dhoola yar ugu jawaabay ayaa go’ shaal ah madaxa iskaga duubay. Darawalkii rifrif oo suxulada shookaanta ku haya, farahana ku fadhanaya bac buluuki ah oo rakada shookaanta saaran ayaa mar kale cod taqsiinsan kaga kacay, ‘sidii dhugdhugley dhul dheer maraysaa, dhawaaqayga loo dhegaystaayeey.., Laylaay.’ Kirishboygii oo laba dhigood u kala gudbaya ayaa u jawaabay, ‘u dar, u dar, u dar,’. Xaraaskii oo weli dhoolayar eegaya ayaa qaylo iyo sacab isku daray, ‘waatii u dar layga deyn waayee ma daadiyay dumar waxaan sidey.’

 

La soco qaybaha dambe iyo waxa kala qabsada Dhoolayar, Xabeeb iyo Rifrif.

© Amina Souleiman


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...