"Kalsooni ayaanu ku qabnaa in Doorashada Madaxtooyadu ku dhici doonto Wakhtigeeda" Murashax Cirro

0
Saturday November 20, 2021 - 09:05:04 in News by A. Asbaro
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kalsooni ayaanu ku qabnaa in Doorashada Madaxtooyadu ku dhici doonto Wakhtigeeda" Murashax Cirro

    "Kalsooni ayaanu ku qabnaa in Doorashada Madaxtooyadu ku dhici doonto Wakhtigeeda" Murashax Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kalsooni ayaanu ku qabnaa in Doorashada Madaxtooyadu ku dhici doonto Wakhtigeeda" Murashax Cirro


Hargeisa(HWN):-Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in Madaxweyne Muuse Biixi doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qaban doono.


"Waxaan wareejiyay oo aan ka tanaasulay Xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, oo aan muddo Toban-sano ah soo hayay, Xilkuna waa meerto oo waxaan qabaa wixii toban sano ka badan waa muddo-kordhin, muddo-kordhintanna anigu diyaar uma ahi.


Xisbigu wuu korraayay, oo intaa dad-baa ku soo jirey, dadkuna wuu korraayay, Xilkaa aan wareejiyay-na waxa uu astaan u yahay in Xisbigu yahay mid la wada leeyahay oo dadku ay Hankoodda ka dhex heli karraan, waayo Xisbiga WADDANI waxaan doonayaa inuu badalo hannaankii hore ee Axsaabtu ku suntanayd ee ahaa in Odayga Xisbiga hor fadhiyaa uun uu ku suntannaado oo Guddoomiyuhu hadduu tartamo aan lala tartamin, markaa dhaqankaas ayaan badallaayay oo aan doonnaayay inaan curriyo dhaqan cusub, waayo Guddoomiyuhu isagoo xaq u leh oo wali Kursiga fadhiya inuu ku dhici karro inuu yidhaahdo waan ka hadhay, waxaan doonnaayay inaan muujiyo wada-lahaanshaha Xisbiga, waxaan doonnaayay inaan muujiyo is aaminnaad siyaasaddeed, waxaan doonnaayay inaan badalo dhaqankii beeluhu gacanta isku dhiibi jireen oo la yidhaahdo beel baa beel ku wareejisay, waxaan doonaynaa dadka Xisbiga ku jira ee ku barbaaray tobankaas Sanadood inay Xilka la wareegaan, in fursad la siiyo dhalinyaradda, markaa sababaas awgood ayaan uga tanaasulay inaan Anigu sii ahaaddo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI." Ayuu yidhi Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

"Kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa, noomana muuqato sabab loo kordhiyo, sababtu waxa weeyaan dadkii codaynayay 80% ama ka badani way diwaan gashanyihiin" ayuu yidhi Cirro.

"Guddiga doorashooyinka qaranku waxay ku dhawaaqeen in ay doorashadii iyo howsheedii wadaan, madaxweynaha waxay la kulmeen bishii 8aad wuxu amray in ay soo diyaariyaan kharashkii iyo habraacii, wax kale oo ka dhiman oo imika aanu is leenahay waa qabyo ma jirto".

Cirro ayaa sheegay in doorashooyinkii hore sababihii dib loogu dhigi jiray ay ugu waynayd codbixiyayaasha oo aan diwaan gashanayn, waxaanu sheegay in maanta codbixiyayaasha badan koodu diwaan gashan yihiin, isla markaana anay howl badan yeelan doonin in inta hadhayna la diwaan galiyo doorashadana la qabto.

Cirro ayaa warkan ka sheegay waraysi uu magaalada Hargaysa ku siiyay wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.

Loading...
Loading...