Ila Qosol, ... C/llaahi Maxamed Cumar
			Nabad mudanayaal iyo marwooyin.                        
		   
  
 
   
            
		    
  
		
		   
  
		
		 
  
		
		 
  
		
		 
  
		
		 
  
			
			   
  
		   
  
 
   
		    
  
 
   
		    
  
    
        
    
    
                  Bariidadaaasi kaddib, ku soo dhawaada sheeko kale oo ka mid ah taxanaheennii, 
   Ila Qosol.
    Nin baa beri gabadh jeclaaday. Markii u arrinkii u sheegayna, way 
diidey. Kaddibna wuxu u tegey, nin yaqaanna waxa loo yaqaanno; 
   madiidada.
 
    Madiidadu waa nooc 
   sixir ah oo lagu sameeyo, neefka
    Ilmadiidka ah ama loo adeegsado; is ogolaysiinta qof aad 
jeceshahay oo ku diiddan -ama qof kula jooga oo aad rabtid, in aanu cid 
kale danaynin!! 
		
    Haddaba, markii uu ninkii u tagey; ninkii 
   saaxirka ahaa ee uu u dan sheegtay, ayuu saaxirkii ul ugu soo akhriyey 
   madiidadii. Wuxuna ku yidhii ninkii, "
    Gabadha marka aad aragtid, usha taabsii iyadaa ku dabageliye - ku jeclaaniye!" Ninkiina intuu ushii soo qaatay, ayuu u soo ambabaxay xaggii reerkii inantu joogtey. 
		
    Haddaba, intii uu ninkii dhexda soo socdey; ayay qiso la yaab lihi 
ku dhacday. Ninkii wuxu soo maray, ceel laga cabbayo oo dad iyo duunyaba
 lagu dhan yahay. Wuxuna damcay, in uu ceelka ka sii cabbo. 
		
     Waxase dhacday, in dameeri ku soo dhaqaaqday halkii uu ka cabbayey.
 Isaguna si caadi ah, ayuu dameertii ushii u sitey ugu dhuftay! Tolow 
maxaa dhacay? 
		
    Dameertii ayaa ninkii dabagashay oo jeclaatay oo wax ka reeba la waayey!! 
   Waxana la sheegay, in markii ninkii iyo dameertii la kala reebi kari waayey, beri dambe dameertii la toogtey!!
 
   Waxa
 kale oo la sheegay, in ninkii ceeb bulshadii u la noolaa uga dhex 
baxay. Kaddib, markii meel walba loo mariyey, waa ninkii dameertu 
jeclaatay!
    " 
   Booraan hadimo ha qodin,haddaad qodi ha ddna heeraynin; ku dhici doonteena mooyiye"  
 
  
 
   Intaad dadka sixir is leedahay  
 
  
 
   Ayay ku jeclaan dameeruhu!  
 
  
 
   Dadkuna kugu tumin durbaanada!  
 
  
 
   Cabdullaahi Maxamed Cumar  
 
  
    Email: [email protected]  
      AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





