Wax Badan Ka Ogoow Garoonka Caalimiga Ah Ee Berbera International Airport

0
Saturday November 20, 2021 - 08:48:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Badan Ka Ogoow Garoonka Caalimiga Ah Ee Berbera International Airport

    W/Q Mohamed Aden Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan

Garoonka diyaaraded ee Magaaladda Berbera waa garoon heer caalimiya kaas o ka mid ahaa hashiiski labo geesoodka ahaa e United Arab Emirates iyo dawladda Somaliland markii danbana saddex geesood noqday e dawladda Ethiopia kusoo biirtay.

 

Arimaha hashiiskas ku xusnaa waxa ay ahayeen baladhinta iyo casriyeynta dekadda berbera , dhisitaanka wadadda berbera corridor o ay qayb ka mid ah ay maal gilinayso dawladda united kingdom taas o isku xidhysa dawladaha Somaliland iyo Ethiopia.

 

Hashiiska waxa ka mid ahaa o kale balaadhinta iyo dibu qaabaynta airport ka berbera taas o xakumadi axmed siilanyo ay siliig iyo wax ka qabad aan Yarayn ku samesay iyo adaygsiga saldhig millitry o la siiyo dawladda united arab emirates o markii danbe iska joojisay base-kaas madaxwayne muuse na u afkiisa ku sheegay isla markaana shacabka Somaliland ugu laab qaboojiyay wallow aan amin sanahay sababta u united Arab emirates iskaga daysay garoonkaas ay tahay ka dib marki ay ka xuub siibatay dagaalki yemen kagana baxday xaliifkedi waynaa ee kingdom Saudi Arabia sababa la xadhiidha geopolitics ka gobolka wayn e bariga dhexe iyo in aan laga soo hoyn wax guula ah iyo bilaa qorshe marki horeba dagaalka lagu galay hadaba waataas ujeedka laga lahaa in saldhig military laga sameeyo berbera taas o leh faa.ido iyo khasaare labdaba marna arintaas si gaara waan isu dul taagi doona insha allah.

 

Garoonka berbera waa mid ka mid garomada ugu runway ga dheer qaarada Africa hore iyo iminkaba run way dhan 4km waxa kale o Iyana xiiso leh in u ku yaal magalada berbera o ah magalo qadiimiya kana mid ah 10 magaalo e Africa ugu horeyay dhinica nolosha waxa kalo xiiso mudan sida aad wada ogtihiin in ay magaladu ku taal badda  Gulf Of Aden o ah goob strategy ah o dunida isku xidha hadaba garoonkan waa mid isku xidhiya Bad iyo cir iyo dhulba.

 

Garoonka yaa dhisay?

 

Sidaan hore idinku sheegay waa dawladda united arab emirates se waxaa mashruuca qandaraska qaatay shirkadda Shafa Al-Nahdah e laga leyahay wadankaas UAE waana shirkada dhisme e dhistay dekadda caalimiga ah ee berbera garoonka waxaa loo nashqadeyay qaab caalimiya hadii ay tahay dayac tir lagu sameyay run wayga xafiisyo cusub o la dhisay terminals la dhisay gatewayo la dhisay iyo goobo ganacsiyed la dhisay o cusub aadna waa u qurux badan yahay , xaga internetka network iyo communication ka waxaa hir  gilisay shirkadda Telesom Company taas o garoonka siisay internet iyo qalab aad u wacan o ah special internet xawarihisu sareeyo , xogta dhinaca qandaraska internetka waxaan kasoo xigtay enginer ki nashqadenayay internetkaas.

 

Muxu kaga duwan yahay garoomada geeska Africa.

 

Garoonkan caalimiga ah waxa u kaga duwan yahay garoomada geeska Africa waa in u yahay garoon ay shacabki isticmaali karaan sido  kale ay kusoo dagi karaan diyaradaha millitry ee waawayn e dunida sido kale waa general cargo kaas o badacedaha isugu gudbin karo dekadda berbera iyo dalalka xidhan e land locked ka ah e qaarada Africa sida Ethiopia , Uganda iyo Rwanda ,  congo iyo central African republic iyo kuwa kale o badan oo 17 dawladood ah.

 

Hadii aan baladhino shaqada garoonka waa in u noqdo isku xidhe wayn una gargaara dekadda berbera kuna xisha dunidda manta dekadena berbera waxa ay ku jirtaa tartan aan yarayn o ay inagala dhaxayso dakadahan o kala ah Daaroleh Djibouti port , massawa iyo assab port of Eritrea  , port sudanta geeska ee sudan ,  lamuda kenya iyo mambasada kenya sido kale kuwaas o waliba loo qorsheyay loona habeeyay u adeeg sita dalalka xidhan e bilaa badda ah waliba arinta la yaabka leh waa in dekada jabuuti ay tahay dekada ugu wacan ug una wanaagsan e Africa , kaalinta kowaad ayay kaga jirta dekada ugu wacan e rarista containerada iyo soo dajintooda hanaanka shaqada e dekadda iyo u adeegsida sida ugu wacan waxa ayna u adeegta 92% dalka Ethiopia wallow hadda hoosu dhac ku yimi dagaalka ka socda Ethiopia lagana yaabo in ay wax badan iska badalaan hadii aan xal kale loo keenin , sido kale kuw kenya ayaa Iyana ah qaar layaab leh kuwaas o xataa wadoyin dhaadher isku xidhaan sida magalada addis ababa iyo jubada south sudan iyo dakadahas waxaas isku xidha wadooyin dhaadher.

 

Arrinta aan ka leyahay xog soo gudbinta ayaa ah in ay dakadenu tartankaas gasho kuna gulaysto airporka berberna ka caawiyo wax badan.

 

Maxaan jaclaan lahayn in aan ka badalno shaqada garoonka?

 

1.      Horta nidaamka shaqada loo maray waa in wax wayn laga badalaa isaga kaligina maaha e dalkoo dhan maalinta sida xorta ah loo tartamo e qof walba qalinkisa iyo aqoontisa isticmaalo waa maalinka ay hani qaadi doonto cadaalada iyo horumarka dalkan sido kale waa maalinka ay dhalin yaradu laab qaabojin helayso qodobkaas waa in laamaha dawladu dhamaan wax ka badalan sido kale shirkadaha gaarka loo leyahana waa in ay wax ka badalaan waa in ay muwadininta Somaliland helaan sinaan iyo cadaalad.

 

2.      Waa in la dar dar galiya hanaanka shaqo e madaarka , madaarku sidesuba waa murayadi dalka waa halka dalka lagso galo marka bada laga yimaado sido kale waa halka ay diplomasiyintu wax ka qiimeyaan waa in mar walba la dar dar galiyaa shaqada garoonka iyo hab sami usocodkeeda.

 

3.      Arinta hadaba aan rabno in Iyana wax laga badalaa waa dulimaadyada garoon walba iyo diyaarad walbaa waxa ay ledahay af garasho lawada yaqaan sidedaba dulimaadka waa wada code laysla yaqaan o common ah tusaale diyarada Ethiopian airline code garashadedu waa ET , fly dubia waa FZ halka air arabia ka yahay G9 sido kale airportka Hargeisa code kiisu waa HGA kan berberana Waa BBO.

 

Hadaba halka aan usocdaa waa waxa jira labo haayadood o codes ka garoonka bixiya mida waa isu taga IATO: INTRENATIONAL AIR TRANSPORT ASSOCIATION waa isu tag urur ganacsiyeed ka kooban diyaarado isla markaana ay ku jiraan dalal gaadhaya 120 dal iyo 290 shirkado diyaaraded lana asaasay sanadkii 1945 waxa ayna bixiyaan code ka airportka tusaale berbera intrenational airport waxa ay u soo gaabiyaan code ka ah BBO.

 

 

 

Waxa kale o jirta hayadda u qaabilsan UNITED NATIONS ka arimaha dulimaadka o ah INTRENATIONAL CIVIL AVIATION ORGANIZATION waxaya ay bixisaa code ay ku saleesay qaab gobol iyo qaab dal  tusaale bariga Africa iyo waqoyiga Africa waxa ugu horeya xarafka H , halka United state of America ay tahay code kedu K sidaas usoco uun gobol walba iyo dal walba xaraf gaara iyo mid ay regionku ay wada leyihin ayaa jira.

 

Hadaba garoonka berbera airport code  waa HCMI , H waa tii gobolka o ah gobolka bariga Africa iyo waqiyaga Africa hadaba xarafka labaad waaxa si gaara u leh dalka Somalia tusaale ethiopoa waa HA iyo laba xaraf oo sii raaca sidaa daraaded waa in haayada madarada iyo garoomadda Somaliland ka hirgashaa ka wax ka qabashada arintaas o lo bahan yahay in la dhameeyo iyada o habkeeda loo marayo. Arrinta kale e tan la mida ka ah e aay haboon tahay in wax laga qabtaa waa telephonada Iyana tusaale +252 ma lihin inagu dal walbaa code gaara ayu leyahay sidaa daradeed waa in Iyana wax ka qabad laga qabtaa waa arimo yar yar se hawl wayn u bahaan waana arrimo aqoon sigeena ku xidhan o aan aamin sanahay in si wayn looga gaabiyay wallow wax la qabtay haddana curin iyo siyaasad hufan ayaa loo bahan yahay o ka wayn tan 30 ka sano soo socotay Taiwan ayaa tusaale inagu filan o aan xidhidh la lenahay waxanan rajenaya dalkaas in aad daraasesaan o aad wax badan ka badhaan.

 

4.      Waa in ay dawladdu wixii duulimaad military ah balse saamayn ku yeelanaysa amniga , Nafta iyo hantida shacabka jamhuriyadda Somaliland ka dayso in ay ka duulaan kana soo dagaan garoonka berbera si aan amnigena dhawac u gaadhin isla markaan dagaal wakaaladeed inoogu furmin

 

5.      Waa in ay dadka degaanka ay ilaaliyaan airport ka kana ilaaliyaan xataa saxar yar , dadka berbera e gobta ah magaladoodana way ilaashadaan dalkana way ilashadaan se cid walba o saxar yar u gaysanaysa waa in aad idinku isku duuban aad ku war galisaan laamaha aminga e degmada berbera.

 

Ugu danbayn waxan rajenaynaa garoon si caalimiya u shaqeya wax badana ka badala arimo badan o taagan o aan kor kusoo falan qenay is dul taagna ku samenay dhamantiin si wayn  baan idin salamaya khayr na waad idin rajenayaa.

 

Mahadsanidiin Dhamantiin

TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan      

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...