Digniin Caafimaad iyo Hawlwadeen Caafimaad oo xaalad layaab leh la kulmay.

0
Saturday November 20, 2021 - 08:33:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Caafimaad iyo Hawlwadeen Caafimaad oo xaalad layaab leh la kulmay.

    W/Q: Dr.Hamze Rage

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Hamze Rage

Digniin!! Waxan shalay la kulanay bukaankan sawiradisu idin muuqdaan, aniga iyo Dr Rahmah M. Buubaa oo fadhina qaybta bukaan socodka Hargeisa Group Hospital khaasatan qaybta dhiig-sifaynta (dialysis unit). Bukaankani wuxu leeyahay  Macaan, dhiigkar iyo kelya xanuun daran oo maraya halkii ugu hoosaysay oo ah in gabi ahaanba ay gabeen shaqadii (end stage renal disease). Hadaba sida aad ku arkaysaan bukaankan jidhkiisa sare waxa sidaa u galay waa daawo uu ku muday nin pharmacy haysta oo ku yaalla magaalada Hargeisa taasoo sababtay inuu diirkiisii sare qarqarxo gabi-aahaana dhilmo jidhkiisii, sida ay xogta nagu siiyeen qoyskiisu, bukaanku markuu u tagay pharmacy ga isagoo doonaya in faleebo u ku xidho ogaysiiyayna inay kalyahuna xanuunayaan taas baddalkeeda waxa uu u sheegay inankii pharmacy ga haystay inuu ku mudi doono daawo la yidha (kaadi-badiye) una fiican kalyaha, cafimaad ahaan daawada oo loo yaqaano Furosemide ama lasix, bukaan kasta o kalya xanuun leh lama siiyo waxa la isticmaalaa oo kaliya xilliya gooniya waana daawo Ay tahay inuu dhakhtar qoro si loo siiiyo bukaanka taa baddalkeeda maha daawo laga qadan karo pharmacy ga ama (over the counter ah ). Dawaadani waxay leedahay (adverse effects badan ) haddaba bukaankan aanu la kulanay waxay ku riday mid kamida ah (side effects ka ay leedahay oo ah waxa loo yaqaano ( Exfoliative dermatitis) taaso qofka ku keenta fuuq bax saaida sababtana in dhakhtarka la dhigo bukaanada ay lasoo daristo xaaladdani.

 

Fiiro Gaara. Waxaan usoo jeedinaya haayadaha ku shaqada leh tayaynta caafimaadka dalkeena in wax laga qabto xaladahan oo kale maadaama Ay yihiin qaar aaad usoo noqnoqda waxbana aaan layska waydiin, lagana yeesho siyaasad cad oo qeexaysa, Yaa daawo qori kara ama bixin kara khaasatan daawooyinka u baahan in uu dhakhtar qoro,



In la tayeeyo aqoonta ay pharmacy-yadu u leeyihin daawooyinka ay bixinayaan. Qofku marka uu leeyahay kelya xanuun waa dadka ugu nugul in daawoyinka badankooda wax ku noqdan maadaama ay kelyahu jidhka ka saraan daawoyinka badankooda waana sababta hoos loogu dhigo cabirka am xaddiga loo qoro bukaanadan ( renal dosing adjustment) bahda caafimaadka waxaan usoo jeedin lahaa inay ka fiirsadaan daawooyiinka marka ay u qorayaan bukaan kelyuhu xanuunayaan, wa markii 4aad een la kulmo bukaano sidan oo kale wax ugu noqday daawooyin, lehna kelya xanuun.

 

Afeef. Qoralkan ulama jeedo in aan cid ku dhaleeceyo anoo og wadciga dalka yaalla iyo heerka caafimaad ee dalkeena, wa iga baraarujin iyo inanay dib u dhicin waxayabahan oo kale.


Wabillahi Tawfiiq

W/Q: Dr.Hamze Rage

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...