Wasiir Sheegay In Waddani Kaga Dayday Kulmiye In La Isku Wareejiyo Guddoomiyenimada

0
Saturday November 20, 2021 - 08:24:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Sheegay In Waddani Kaga Dayday Kulmiye In La Isku Wareejiyo Guddoomiyenimada

    "Tallaabada xisbiga Waddani qaaday waa mucaamala siyaasadeed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tallaabada xisbiga Waddani qaaday waa mucaamala siyaasadeed"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, ayaa sheegay in Xisbiga Waddani uu Kulmiye kaga dayday habka la isugu wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiyada.



Wasiirka Isgaadhsiinta oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa waxa kale oo uu ku hambalyeeyey Hoggaanka Waddani ee la doortay, waxaanu yidhi


"Marka hore waxa aan u hambalyaynayaa hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani oo kala ah Guddoomiyaha,  lixda-ku-xigeen,  Xoghayaha iyo Ku-xigeenkiisa.


Qoraalka uu kaga falceliyay xoghayha guud ee xisbiga Waddani waraysigii Wasiir Siciid Sulub waxa ka muuqda degdeg  iyo dul-ka xaadin. Marka hore wuxuu u hambalyeeyay Wasiirku hoggaanka cusub ee xisbiga Waddani oo faallo ugama  furnayn xoghayaha uu kadaba qaato, marka labaadna wuu hogatusaaleeyay musharraxa sida uu u arko in ay ku wanaagsan tahay.


Tallaabada xisbiga Waddani qaaday waa  mucaamala siyaasadeed  (political arrangement) uu xisbiga Kulmiye xuquuqdiisa leeyahay (Copywrite) in xilka guddoomiyaha la isku wareejiyo Xisbiga Waddanina kaga dayday sannadkan 2021 ee maaha hal-abuur cusub oo siyaasadeed oo ay la yimaadeen kuna faani karaan.


Su’aasha hortaalla xoghayaha waxa weeyi kalsoonida xisbiga Waddani ka dhex jirta ee ay ku maqan yihiin kaadiriin, hoggaamiyayaal iyo taageerayaal badan oo xisbigu lahaa oo ay ka mid yihiin Ismaciil Hurre Buubaa iyo Xuseen Axmed Caydiid maxay tahay?


Tallaabooyinka siyaasadeed ee la qaadanaya waxa laga qiyaasaa marka ujeeddooyinka laga lahaa la gaadho."

Loading...
Loading...