Madaxweyne Biixi Oo Berri Xadhiga Ka Jarraaya Garoonka Diyaarradaha ee Berbera

0
Friday November 19, 2021 - 20:26:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Berri Xadhiga Ka Jarraaya Garoonka Diyaarradaha ee Berbera

    Madaxweyne Biixi Oo Berri Xadhiga Ka Jarraaya Garroonka Diyaarradaha ee Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Berri Xadhiga Ka Jarraaya Garroonka Diyaarradaha ee Berbera


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa berito la filayaa inuu Xadhiga ka jarro garroonka diyaaradaha ee magaaladda  Berbera oo casriyayn, balaadhin, iyo dib u habayn ba lagu sameeyay.


Garoonka Berbera oo ah kan ugu dheer qaaradda Afrika ayaa muddo afar sanadood ah waxaa lagu samaynayay casriyayn iyo balaadhin, taasoo ay Maal-gelisay dawladda Imaaraadka Carabta.



Iyadoo ay magaaladda Berbera ku sugan yihiin wefti balaaadhan oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi, oo safar shaqo Khamiistii shalay ku tegeen magaaladda Berbera.

Waxaanu qorshuhu yahay in isla maanta ay si rasmiya u bilaabmaan duulimaadyadda garroonka diyaarradaha Berbera oo ay ka soo degi doonaan kana duuli doonaan diyaarraduhu.

Garroonka diyaarradaha Berbera oo markii hore qorshuhu ahaa in loo isticmaalo mid milateri ayaa hadda loo bedelay in uu noqdo mid ay isticmaalaan diyaarradaha rayidka ah ee Rakaabka iyo Kaargooga qaadda.

Waxaana la filayaa in maanta uu madaxweyne Biixi, si rasmi ah xadhiga uga jarro garroonka diyaarradaha Berbera, kaasoo qayb ka mashaariic fara badan oo horumarineed oo ay dawladda Imaaraadka Carrabtu Somaliland ka fulisay.

Kadib markii ay Somaliland iyo isku-taga Imaaraadka Carrabtu dhawr sanno ka hor wada saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana ku qotomay in mashaariic fara badan oo horumarineed uu Imaaraadku ka fuliyo Somaliland.

Dhinaca weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Biixi, ayaa shalay markii ay u sii jeedeen dhinaca magaaladda Berbera waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay dhamaanta deegaamaddii ay sii mareen, intii ay ku sii jireen jidka u dhexeeya Hargyasa iyo Berbera.

Waxaannu Madaxweynuhu la hadlay dadweynaha magaallooyinka Ab-daal, Dacar-budhuq, iyo magaallooyinka kale oo ka mid ah kuwa ku yaalla jidka isku xidha Berbera iyo Hargaysa.

Loading...
Loading...