Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Hogaanka Cusub Ee Loodoortay Xisbiga Waddani

0
Friday November 19, 2021 - 19:52:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Hogaanka Cusub Ee Loodoortay Xisbiga Waddani

    "Waan Hambalyeynayaa Xirsi iyo Cabdirasaaq Khaliif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waan Hambalyeynayaa Xirsi iyo Cabdirasaaq Khaliif

Hargaysa (HWN) Wasiiro ka tirsan xukuumada uu hogaamiye Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyay hogaanka cusub ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani uu ku doortay shirwaynihii labaad ee uu dhawaan ku qabsaday Hargaysa.



Wasiirda hambalyeeyay Hogaanka cusub ee Waddani waxaa kamid ah Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland  Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga  Siciid Sulub.


Haddii aynu ku horayno Wasiir Cabdiweli ayaa yidhi  "Marka hore waxaan u hambalyaynayaa hogaanka cusub ee Xisbiga Wadani oo kala ah Gudoomiyaha,  Lixda-ku-xigeen,  Xoghayaha iyo Ku-xigeenkiisa”  waxaani Wasiirku intaasi ku daray in wareejinta Gudoomiyaha Xisbiga aanu ahayn wax ku cusub Somaliland oo uu hore Kulmiye usameeyay talaabadan Waddani oo kale.


Dhinaca Kale wasiir Siciid Sulub ayaa isagoo hambalyaynaya Hogaanka cusub ee Waddani yidhi "Waan Hambalyeynayaa Xirsi iyo Cabdirasaaq Khaliif, oo hamigoodii Gaadhay wayna dedaaleen"  Wasiir Siciid Sulub.


Isku soo wada duuboo xubnaha uu dhawaan xisbiga Waddani udoortay Hogaanka Cusub ayaa ubadan Xubno hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...