Somaliland oo Taiwan uga mahad-celisay Taageerada iyo Saaxiibtinimada Ka Dhaxaysa

0
Friday November 19, 2021 - 19:24:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Taiwan uga mahad-celisay Taageerada iyo Saaxiibtinimada Ka Dhaxaysa

    Somaliland oo Taiwan uga mahad-celisay Taageerada iyo Saaxiibtinimada Ka Dhaxaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland oo Taiwan uga mahad-celisay Taageerada iyo Saaxiibtinimada Ka Dhaxaysa


Hargeisa(HWN):-Qoraal lagu daabacay bogga Wasaarada Arrimaha dibadda Somaliland, ayay Xukuumadda Somaliland aad ugaga mahad-naqday Taiwan xidhiidhka Saaxiibtinimada iyo taageerada ku dhisan ee ay la leedahay Somaliland.



"Xukuumadda Somaliland aad ayay Taiwan ugaga mahad-naqaysaa Saaxiibtinimada iyo taageerada, sannadkii la soo dhaafay, inkasta oo ay jirtay saamaynta Covid19, saxiibtinimada Somaliland iyo Taiwan aad ayay ugu faa'iidaysay muwaadiniintayada" Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Warku waxa uu intaas ku daray in marka laga yimaado caqabadaha aqoonsi la'aanta ah ee haysta Somaliland iyo Taiwan, in labadooduba ay ku guulaysteen in ay sameeyaan nidaam Dimuqraadi ah oo cago adag ku taagan, iyo Dhaqaale ku dhisan suuqa Xorta ah, isla markaana qiimaha ay wadaagaan ay gun dhig u tahay Siyaasadooda.

Xukuumadda ayaa Taiwan uga mahad-celisay Maalgashiga ay ku samaysay Beeraha, Tiknoolajiyada, Tamarta iyo Caafimaadka Somaliland, taasi oo qoraalka lagu sheegay inay fursado cusub iyo Shaqooyin u abuurtay reer Somaliland.

Ugu danbayntii waxaa qoraalka lagu sheegay in labada Xukuumadood ay sii wadayaan Xoojinta horumarinta xidhiidh barwaaqo leh oo ay wadaagaan.
Loading...
Loading...