Xoghayaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir Siciid Sulub

0
Friday November 19, 2021 - 19:22:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiir Siciid Sulub

    "Arrintuna qori iyo rasaaas maaha ee waa is aamin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arrintuna qori iyo rasaaas maaha ee waa is aamin"

Hargaysa (HWN Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Hussein Abdi, oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Wasiir Siciid Sulub, waxa uu yidhi "Hadalka Wasiir Siciid Sulub waxa uu inoo iftiiminayaa halka fahamkiisa siyaasiga ahi taagan yahay. Waa guul iyo taariikh u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland in dadku is aamino qofkuna hankiisa siyaasiga uu ka gaadhi karo Xisbiga tacabka iyo dedaalka uu geliyo. Arrintuna qori iyo rasaaas maaha ee waa is aamin iyo kalsooni siyaasadeed oo dhex taala siyaasiyiinta kawada tirsan xisbiga WADDANI.



Haddii aanay kalsoonidaasi KULMIYE dhex oolin yaan loo fahmin in aan la abuuri karin kalsooni siyaasiya. Cabdiraxmaan waxa uu shacbiga Somaliland tusay inuu naftiisana ku kasloon yahay team-kiisana ku kalsoon yahay geesinimo iyo go’aan qaadashana leeyahay isla markaasna curin siyaasiya uu leeyahay. Ragga qaar waan u cudur daaraynaa oo waa meel aanay wali gaadhin".

Loading...
Loading...