Tababar Loo Soo Xidhay Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal Iyo Qareenno Ka Hawl-gala Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex.

0
Friday November 19, 2021 - 19:19:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar Loo Soo Xidhay Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal Iyo Qareenno Ka Hawl-gala Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex.

    Tababar Loo Soo Xidhay Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal Iyo Qareenno Ka Hawl-gala Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababar Loo Soo Xidhay Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal Iyo Qareenno Ka Hawl-gala Maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex.


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex, Cali Suudi Diiriye, oo ay wehelinayeen madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo u qaabilsanaha UNDP arrimaha garsoorka iyo Cadaaladda Zafar Gondal, ayaa khamiistii tababar u soo xidhay 35 Garsoore, Xeer-ilaaliye iyo Qareenno ka hawl-gala Maxkamadaha gobolka Marood-jeex.



Tababarkan oo ay iska kaashadeen Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNDP, ayaa muddadii labada maalmood ahayd ee uu socday si weyn loogu qaadaa dhigay, arrimo la xidhiidha nidaamka gar-qaadista dacwaddaha, lafa-gurka cadaymaha iyo dhaqanka wanaagsan ee Diinteena Islaamku fartay, garsooraha ah iyo hawl-wadeenada kale ee waaxda garsoorka. Sidoo kale xeel-dheerayaashii bixinayay tababarka ayaa soo bandhigay mawduucyo waxtar leh oo salka ku haya doorka shariifka ah ee ay Diinteena Islaamku siisay garsoorka iyo sida garsoorku u yahay adhaxda iyo udub-dhexaadka bulshada. Baadhida iyo lafa-gurka cadaymaha, dhex-u-noqoshada dhinacyada is-haya iyo u dhaba-galka dacwadaha ayaa sidoo kale aqoon is-waydaarsi ay ka yeesheen ka soo qayb galayaashii tababarku.

Dr Ciise Maxamuud Cabdilaahi iyo Dr Xuseen Xasan Cali oo ah xeel-dheerayaal aqoon durugsan u leh arrimaha garsoorka, bixinayayna duruusta lagu kobcinayay aqoonta garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenada ka soo qayb galay tababarka ayaa gunnaanadkii kalmado dardaaran iyo hoga-tusaalayn ah u jeediyay hawl-wadeenadii ka soo qayb-galay tababarka. Cali Maxamed oo ka socday xafiiska xeer-ilaalinta guud oo ku hadlayay afka ka soo qayb galayaashii tababarka, ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan tababarka, waxaanu uga mahadceliyay Maxkamadda Sare iyo hay’adda UNDP tababarkan aqoon-korodhsiga ah ee ay u soo diyaariyeen. Geesta kale u qaabilsanaha UNDP arrimaha garsoorka iyo cadaaladda Zafar Gondal ayaa tibaaxay in ay muhiim tahay hirgalinta duruustii ay khuburadu bixinayeen, waxaanu xusay in marka garsooruhu helo aqoon korodhsi iyo xirfad ay muhiim tahay ku dhaqankeedu.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex oo tababarka soo xidhay ayaa u mahad celiyay xeel-dheerayaashii tababarka bixinayay iyo ka soo qayb galayaashii ka faa’iidaysanayay. Waxaanu kula dardaarmay in ay u fiirsadaan cadaymaha la hor keeno, una kuur galaan sida ay dacwaduhu u kala muhiimsan yihiin. Sidoo kalana ay ka dheeraadaan dacwad ay ka garnaqeen in si fudud loo buriyo.

Loading...
Loading...