Madaxweyne Biixi Oo Labo Qodob Hor-Dhigay Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Iyo Kulan Natiijo La,aan Ku Dhamaaday?

0
Friday November 19, 2021 - 16:47:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Labo Qodob Hor-Dhigay Suldaanka Guud Ee Beelaha Bariga Burco Iyo Kulan Natiijo La,aan Ku Dhamaaday?

    Halka qodobka kalena, uu Suldaanka tilmaamay in muddo laba sanno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halka qodobka kalena, uu Suldaanka tilmaamay in muddo laba sanno

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu kulan la yeeshay Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali.


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Kulankan Madaxweynaha iyo Suldaan Cabdillaahi, hase yeeshee, sida warar Xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Saxansaxo, Kulan oo dhawr qodob lagaga wada hadlay, ayaanay wax natiijo ahi ka soo bixin, ka dib markii Suldaan Guud ka cudur daartay qodobo Madaxweynuhu u soo bandhigay inuu kala shaqeeyo.



Kulankan oo toddobaadkan qabsoomay, ayaa la sheegay inuu ka soo shaqeeyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa qodobada uu Madaxweyne Biixi uu u soo bandhigay Suldaan Cabdillaahi inuu kala shaqeeyo, waxa ka mid ahaa kala reebista Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo labaduba shaaciyey in ay u tartamayaan.


Guddoomiyenimada Kulmiye iyo qodob kale oo la xidhiidhay sidii dib loogu soo celin lahaa Kalsoonida Salaadiinta Bariga Burco iyo Madaxweynaha-ba


Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Suldaanku u sheegay Madaxweynaha in aanu arrimahaasi waxba kala qaban karin, maadaama oo labada masuul ee uu doonayo inuu kala reebo ay yihiin shaqaalihiisa amma masuuliyiinta uu maamulo, oo ay tahay hawl isaga u taalla.


Halka qodobka kalena, uu Suldaanka tilmaamay in muddo laba sanno ah uu hawlo caafimaad iskaga mashquulsanaa, isla maarkaana aanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu hawlahaasi galo, oo uu xaalad caafimaad iskaga jiro.


Waxa kale, oo uu Suldaanka ka dhawaajiyey in uu Suldaan u yahay bulsho Mucaarad iyo Muxaafidba isugu jirta oo aanu diyaar u ahayn in uu galo arrimo siyaasaddeed oo lagu kala qaybsan yahay.

Loading...
Loading...