Wasaaradda Maaliyadda oo Wasaaradaha ku Tababaraysa Dib u Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda

0
Friday November 19, 2021 - 16:43:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda oo Wasaaradaha ku Tababaraysa Dib u Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda

    Xidhiidhiyaha Mashruuca xidhiidhka mashruuca dib-habaynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhiyaha Mashruuca xidhiidhka mashruuca dib-habaynta

Wasaarada Maaliyada Ayaa Tababar Dib u habaynta Maamulka Maaliyada u furtay Isuduwayasha iyo wakiiladda Hay’adaha kala duwan ee Gobolka Gabiley.


Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay waaxda dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dawladda oo kaashanaysa xafiiska Hantidhowrka Guud, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Waaxda Miisaaniyadda iyo Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta ee Wasaaradda Maaliyadda isla markaana socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ka qeybgaleyaasha oo lagu bari doonaa habraacyada diyaarinta miisaaniyadda, habraacyadda isticmaalka nidaamka xogta maaliyadda iyo habraaca u diyaargarowga baadhista hantidhowrka iyo arrimaha la xidhiidha dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dawladda.



Xidhiidhiyaha Mashruuca xidhiidhka mashruuca dib-habaynta maamulka maaliyadda ayaa sheegay in tababarkani yahay sidii isu-duweyaasha, xisaabiyeyaasha iyo saraakiisha dawladda hoose aqoon u yeeshaan nidaamyadda casriga ah ee barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadu.


Tababarkan oo uu daahfuray Gudoomiye-xigeenka Gobolka Gebilay Cali Cabdi Cabdillahi (Cali Case) ayaa sheegay in tababarkan oo Wasaaradda Maaliyadu soo diyaarisay looga baahan yahay ka qeybgaleyaasha inay aqoonta ay ka korodhsadaan ku dabakhaan waajibaadka shaqo ee ay u xilsaaran yihiin.

Loading...
Loading...