Baahiyaha Berbera Oo La Taxay Xili Muuse Biixi Ku Suganyahay

0
Friday November 19, 2021 - 08:00:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baahiyaha Berbera Oo La Taxay Xili Muuse Biixi Ku Suganyahay

    In Bulshada Degmada Berberi adeega laydhka ku dhiban tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In Bulshada Degmada Berberi adeega laydhka ku dhiban tahay

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Xasan Cumar Xasan (Xasan Ogaal), ayaa walaac ka muujiyey xaaladda nolosha aasaasiga ah ee Gobolka Saaxil iyo Magaalada Berbera.



Qoraal uu Xildhibaanku kaga hadlay Xaaladda Berbera, waxa uu yidhi "Bulshada Gobolka Saaxil waxay la tiicayaan tabashooyin is-barkan oo aas-aaska nolosha ah, cabudhinta hadalka oo Maamulka Degmada Berberi ku hayaan Bulshada oo aad u tiro badan iyo dulmanaan duhun guud ah oo odhanaya waxkasta Saaxil waa heshaa madaama oo mashaariic Maalgelineed laga hirgeliyay iyo xeerka midaynta Cashuuraha ee hore loo odhan jiray xer 12, imikana ah Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka xer 23 oo sad-bursiimo ku jirto.

 

Hadaba, madaxweyne; bulshada Gobolka Saaxil uma baahnaa inay kugu soo dhawayso calanka Kulmiye adiga oo madaxweyne Qaran ah ee waxay masuuliyadi kaa saaran tahay inaad uga Jawaabto dhawaaqa joogtada ah ee danyarta ka soo yeedhaya.

 

Madaxweyne ma og tahay;-

 

In Bulshada Gobolka Saaxil u ooman tahay adeeg caafimaad oo aad u culus, isla markaasna Dhakharkii Imaraadka Carabtu dhistay oo qalabkiisu dhamays tiran yahay uu u xaniban yahay maamulkaagu inuu u sii daayo kharashkii hawl socodsiinta iyo Shaqaalaha.

 

In Ardayda Gobolka Saaxil 400 xiisadood ka maqan yihiin sanad dugsiyeed kasta, sababtuna tahay qaboojiye la’aan fasalada ay wax ku dhigtaan oo Qaranka aad hogaaminaysaa sanad kasta iska indho tiraayo inuu dhawaaqooda waxba uga jawaabi waayo.

 

In Ardayda Gobolka Saaxil ku dhacdo Macalimiin la’aan, iyada oo u sababtu tahay gunno xeebeedkii Macalimiinta oo aan xooganayn, madama oo Xukuumada Kulmiye joojisay kharashii yaraa ee ardayda looga qaadi jiray macalinka.

 

In Bulshada Degmada Berberi adeega laydhka ku dhiban tahay oo shirkadahaas kootada loogu xidhay cunaha hayaan, iyadoo malaayiin Dollar oo solar ah lagu maalgeliyay.

 

In Magaalada Berbera wajahada hore ee aad ka gasho oo keliya loo dhaashay intii kalena aradan tahay, oo miisaaniyadaha afartii sanno ee ugu dambeeyay ee ku dhawaa 11-14 milyan oo Dollar aan waxba loogu qaban Degmada Berbera iyo Deegaamada hoos yimaada.

 

In Berbera gudaheeda ay ka jirto cabudhin iyo caggo juglayn lagu hayo Bulshada oo u muuqaal eeg rajiimkii Siyaad barre.

 

In danyarta Gobolka Saaxil, gaar ahaan Reer Berberi ee aadka u jilicsanaa maalin kasta dhawaaq ay ka cabanayaan Dawlada hoose ka soo yeedhaayo.

 

Hadadaba, tani waa iga xasuusin uun ee iyada oo faahfaansana dhawaan ayaan ka hadli doonaa wixii aanu ku soo ururinay kulamadii Berbera, insha Allah.

Loading...
Loading...