Somaliland Oo Ka Qayb-galaysa Shir Caalamiya Oo Dalka Imaraadka Ka Dhacaya

0
Thursday November 18, 2021 - 20:07:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Qayb-galaysa Shir Caalamiya Oo Dalka Imaraadka Ka Dhacaya

    Somaliland Oo Ka Qayb-galaysa Shir Caalamiya Oo Dalka Imaraadka Ka Dhacaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Ka Qayb-galaysa Shir Caalamiya Oo Dalka Imaraadka Ka Dhacaya


Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay dalka ka dhoofay, iyagoo dalka Imaraadka Carabta kaga qayb galaya Shir Caaalamiya oo ku saabsan Ganacsiga Adduunka.



Xildhibaan Saleebaan Maxamed Faarax oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, qaybna ka ah Weftiga uu Madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayo ayaa isagoo ka xog-warramaya ujeeddada safarkooda iyo Shirka ay kaga qayb-galayaan dalka Imaaraadka wuxuu yidhi 

"Waxaa maanta (shalay) halkan maraya wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ujeeddada hawshuna waxay daaran tahay hawl qaran ama shaqo qaran oo Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu ku wajaahan yihiin dalka isku taga imaaraadka, ujeedadiisuna tahay inuu ka qayb galo shirar dan u ah qaranka Somaliland, gaar ahaan Shirkaasi wuxuu daaran yahay Ganacsiga Adduunka, iyo waxyaabo la halmaala, waxaa la iskaga imanaya Waddamo kala duwan, oo adduunyada daafaheeda ah, sida Waddanka Ruushka oo rag milyaneero ahi ka imanayaan, Waddamada kale ee Caalamiga ah haddii ay noqoto Yurub haddii ay noqoto Khaliijka.

Shirkaasi waa Shir muhiim ah oo qaranka Somaliland dan u ah, sida aan xogta ku hayo markii hore waxaa caasuumadda lagu soo hagaajiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynuhuna wuxuu u igmaday inuu tago shirka Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana rajeynayaa in insha allaah shirkaasi guul ku soo dhamaado”.

Loading...
Loading...