From Tooriile to Gudoomiye

0
Thursday November 18, 2021 - 07:51:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    From Tooriile to Gudoomiye

    W/Q: Amina Souleiman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amina Souleiman

Wiigan waxa sidii duufaankii Siigaale inoo saaqay wararka dhiilada sida ee sheegaya in Xirsi si tartan  la’aan ah loogu wareejiyay xisbigii Wadani ee aan taageeri jirey.  Tan ayaa dhalisay walaac iyo  khalkhal badan.  Dad sidayda mudo dheer taageeri jirey Xisbiga Wadani ayaa wadaagay su’aalo iyo  faalooyin.  Su’aasha ugu culus ee is weydiinta leh ayaa ah, ‘Ciro iyo Xirsi ma isla gaadhi doonaan  doorashada madaxtooyada ee November 2022, mise Xirsi tooridii uu magacu ugu baxay ayuu goor  aan dheerayn jeebka kala soo bixi doonaa, Ciro na feedhkii uu ku caan baxay ayuu duuban doonaa’.   Waxa aynu sugnaaba waa halka ay biyo dhigato ciyaarta qarnigu.   

 

Haddii aan u gudbo taariikhda Xirsi iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee uu kula kacay ummada reer  Somaliland gudo iyo dibedba waxaan xasuustaa gabaygiisii ‘doocaan’ ee cuqdada iyo caadifada  xambaarsanaa, sheekadii cadaawada badnayd ee ‘sanka caano ka keen’ iyo sheekadii caanka ahayd  ee aan ugu magac daray Citiraafkii Sheffield iyo Cibaaradii Ka Dambaysay ee labada qaybood u kala  jebisay ururkii hagbada ee aan ka mid ahaa.

 

Sheekooyinkii aan waagaa ka qoray Citiraafkii Sheffield ee uu Xirsi ku galgashay waxaa kow ka ahayd Sheekadii ‘Waa Noloo Dhiibay, Nolooma Dhiibin’.  Kala qaybintii iyo qoqobkii qabyaaladeed ee uu  Xirsi noo geystay waxay keliftay in aanu Baaniyaalkii Muslimka ahaa ee aanu ku naanaysnay

‘Sanweyne’ daaqada ka tuurno, xubintii uu ka hayay Golaha Deegaanka Sheffield na dibeda ka dhigno. Wakhtigaas Xirsi jaaliyada Somaliland ee reer Sheffield waxa uu u kala qaybiyay laba  waxaana ay xaaladu gaadhay in hagbadii walaalaha lagu ahaa lagu kala guuro, salaanta dariiqa la iskula daafo, dabkana la kala qaadan waayo. Haweenkii shaygaram xaaliga guri qudha ku wada cabi  jiray ee aan ka mid ahaa waxay ku sigteen in ay timaha is daraan.  

 

Arrintani ma ahayn mid sahlan waxaanay gilgishay golihii deegaanka Sheffield.  Waxaa mar qudha  meesha ka baxday hogaamintii Xisbiga Labour ka oo ahaa xisbigii macmiisha u lahaa codadka  Soomaalida Sheffield, waxaana libintii ka hoos qaaday Xisbiga Green ka oo aan hore cod uga heli jirin Soomaalida Sheffield.

 

Haddal iyo dhamaantii, aniga iyo qaar ka mid ah asxaabtayda reer Sheffield oo aanu ilaa shalay  khadka telephone ka isugu jirney ayaa dhowaan isla meel dhigi doona halka aanu teegeeradayadii u  wareejin doono iyo in aanu talo ku goyn doono in aanu xisbi aanu gadh wadeen ka nahay  dhisi doono marka diiwaan gelinta xisbiyada la furo.

 

La soco qoraalada dambe

Wa Billaahi Tawfiiq

Amina Souleiman

Sheffield

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...