Isla Quman Qaldan. Dr Jaasim. Q/2aad.

0
Thursday November 18, 2021 - 07:39:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isla Quman Qaldan. Dr Jaasim. Q/2aad.

    Tabintii : Axmed Cali Kaahin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tabintii : Axmed Cali Kaahin.

Kuray yar baa soo galay goob ganacsi, waxa kula soo booday hadal mulkiilihii meherada isagoo macmiisha kale ee meesha joogta  tusaaya caqli yarida wiilka wuxuuna yidhi: eega anaa idiin caddeeye’e tusaalahan

 

…lacag buu soo saaray ganacsadihii wuxuuna saaray labadiisa gacmood mid   1/dirham, tii kalana 0.25 cent/dirham.  Kii yaraa buu u yeedhay, waxaanu u bandhigay in uu mid doorto labbada lacagood ee gacmihiisa saaran mid ahaan. wuxuu qaatay 0.25 centi/dirham kii yaraa waanu iska tagay.

 

.…Wuxuu yidhi ganacsadihii : miyaanan idin odhan kan yari waligii waxba baran’maayo oo waa maan gaab.

 

Had iyo jeerna sidaasaa caado u noqotay kan yar oo lacagtaa yar buu qaataa halkuu ka qaadan lahaa lacagta badan maalin kasta oo uu ii yimaado.

 

Markii ay macmiishii ka baxeen goobtii, wiilkii bay ku kulmeen barxada goob lagu iibiyo ays’kiriim. Waxaa i qaaday faduul buu yidhi mid ka mida dadkii meherada joogay markii hore in aan wiilka waydiiyo sabata uu lacagta yar u qaato maalin kasta, waan ku dhaqaaqay isaga waanan waydiiyay, maxaad u qaadatay 0.25 ka centi/dirham maalinkasta una qaadan wayday halka (1 dirham) maadaama dirhamku ka badan yahay 0.25 ka .

 

Wuxuu yidhi wiilkii: waayo maalinta aan qaato dirhamka saw sheekadu dhamaan mayso.

 

Taasi oo macnaheedu yahay haddii aan dirhamka qaato, maalin dambe lacag isiin maayo, oo in aan hal dirham qaato oon aan iska tago waxaa ka fiican in aan maalin kasta qaato 0.25 centi oo jooto ah taasaa ka badan. Marmar baa loo maleeyaa in dadka qaar garaad hooseeyaan balse si ay u gaadhaan qadarintaada, ama xaajo kale ayay sidaa u sameeyaan, xaqiiqda adigu jahli baad ku yaraysanaysaa xagaaga ah. Balse marka sheekada la eego ka isla quman baa qaldan oo garaad hooyseeya. Haddaba waligaa ha liidin qof,  hana yaraysan, hana ceebayn adoon ilaahay waxa laga yaabaa in uu kaa khayr badan yahay adigoo ku hodmaya wax yaabo kuu muuqda kaliya.

 

"Doqonku dhab ahaan waa ka u maleeya in dadku doqomo yihiin.” Xikmadaa ayuu Dr Jaasim Kusoo afmeeray maqaalkaa kooban ee xikmada xambaarsan kuna jira qoraaladiisa wixii wacnaa ee aan akhriyay.

 

Tabintii Axmed Cali Kaahin    

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...