Faallo:- Waddani Oo Si Wacan U Bah-dilay Qudhmiye ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday November 18, 2021 - 07:28:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:- Waddani Oo Si Wacan U Bah-dilay Qudhmiye ( Abdi-Shotaly).

    N.B Haddii Ceel Wal-waaleed Ku Go'een Wadaamii, Waan-Waani Dhacantee, Wadna-haan Far Ku Hayaa ( Bal miyey Ka boodo)!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Haddii Ceel Wal-waaleed Ku Go'een Wadaamii, Waan-Waani Dhacantee, Wadna-haan Far Ku Hayaa ( Bal miyey Ka boodo)!

Allay-Lehe waxa ay askarta Xusbiga sare ku yaalaa, ee siddii rah gu' joogaa oo ku dhex asqoobay baliyadda xareedda ah, mooday in aduunku sidan  uun uu ku waaraayo, abaar iyo biyo la'aan baa jiri doona aan maskax-diisaba aan gelin ( waa hantidda ummada'e) waxa ay si walba ugu tagri fallaan-ba, oo ay isku ilaawaan dabaasha barwaaqadda, isna yidhaahaan hadaa dhiishii foqorka tuurteen, nasiib darro, haday ku soo gudhay haro digeed, oo waxa ku soo baxay jiilaal aanay marna-ba soo dhigan meesha iyo duufaano dabaylo kulul wata. Wax la laba shubo-ba imika baa waxay taagan yihiin heestii illaah caafimaad ha siiyo'e Maxamed Ibrahim Haraawi ee ay ereya-deedda ka mid ahaayeen "Weger iyo ka waaweyn, tani waa ka waasacan, hadii ceel wal-waaleed, ku go'een wadaamii, waan-waani dhacantee, wadnahaan far ku hayaa" Muwaadin horaa loo yidhi " Nin is waalaba waabiyaa hella'e" Waxay indhaha cirka u taagaan-ba " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Imikuu Xusbiga Rajadda Shacabku uu alaab kasta ka soo xidhay, oo ay leeyihiin "Allahayaw banaan-kaba bohol kama malaysa-nine, I-bixyaw-I-bixi" sababta oo ah, waxa ku soo oodantay keliggii talis-nimaddii iyo gar ma qaata-nimaddii ay ku wanjaleen dlaka iyo dadka, taas oo ahayd wax kastaa aniga bay iga go'daa, oo xadhiggii ay qabsadaan-ba Waddani u jaray. Ma dhici karto in uu askarigu yidhaaho waan ka tanaasulay musharax-nimaddii, ilayn hantiddii ummadda ee uu ku boobaayey buu ku waaya-yaaye. Eesh-qiyaasak yaa muwaadin? Miyey idinla tahay in uu sidaas samayn karo? Hadii ay taasi dhacdo, waa taariikh hor leh oo aan dunidda soo marin, in dib loo tiryo ayaamo tegay, oo mar labaad ina soo maraa.  Waa habeenkii xalay tegay oo dib u soo noqday. Waa la iskala tegay sheekaddii ahayd " Boga jecliyaa, Xaydha jecliyaa" oo waxa taala miiska labadda daran dorooro lay yidhi. In uu Masharax-nimadda dhigo iyo in ummadu far-toodda ku ciil baxdo wakhtigan.

 

  Deris lama ilaawaan ah baa loo dhigay "raggii ma adigaa ka hadhay" Allay-lehe Waddani si wacan buu u bahdilay " Qudhmiye", kar-kaarna wuu waydaariyey, Waxana uu ku dhuftay nabar aanu ka soo kacayn dul cimri, kana soo waaqsa-nayn, dawo aan lahayn, halkii-saanu ugu dhameeyey. Ilaah ha u naxariistee, Hees uu qaadi jirey Cabdalle Sagsaag, baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Mawjado gurxa-maan dhex galayoo, bad baa igu gaaf-wareegsan, god baa biyo ii galeenoo, Cirkaan gabal ka arkayaa, ilayn geed la cuska-daana" Waa cayn-kaase, haduu siddii habar makhrib maqashii ka halawday, oo intuu gabal u dumay, kolba gees u cararaysa, Baa sidoo kale ay askartii geb-geb leedahay meel aanay wax-ba ka qaban karin. Askariga  "Raggii ma adiga aka hadhay" Wax-ba u tari mayso hadeer, Gudoomiya-nimadda baan ku wareejinayaa " Geenyo Shaaximan" taas oo hore looga waayey, oo uu samayn waayey wixii uu sharciga " Qudhmiye" ku andacoon jirey. Goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, kuna soo kartay tallo xumaan-tiisii, oo uu fadhiyo " Xero Aboodi" Buu waal-waalanayaa. Waa-se maskax askariye, weli muu ogaan in uu taagan yahay meel gorayggii ka hadaafay. Ummaddu qaadan mayso Gudoomiya-nimadda baan wareejinayaa, ee waxa la leeyahay ka deg kursiga, taasina buuga uguma taallo askarta, " Geenyo shaaximan"  Isna waxa af buuxa lagu yidhi laba shay mid-na ha noola iman:-

(1)  Gudoomiyaha baa la igu wareejinayaa, mid aanu aqbali karno maaha ee u sheeg ciddii kaa dhegaysa-naysa.

(2) Imika Ha la ila sharaxo " Raggii ma adigaa ka haday" Taasina wax na maraaya maaha. ee hadaad tahay Geenyo Shaaximan dhako kale nagu xukumi maysid. waxa aanu qaadan karnaa oo keliya  " Anigaa Musharax ah. la isla soo dhaaf murtiddii ahayd " La jiifi-yaana banaan, la jooji-yaana banaan" ee Askartan jiho wareersani doc ha isugu baydho,

 

Shir weynihii Xusbigga Rajadda Shacabka ee Waddani, wuxu dhamaaday bishan 16keeddii, wuxu god-kiisa biyo uu ku haftay ugu shubay "Qudhmiye" kaas oo aan dib uga soo kacayn, haddii dunidu intay jirtey ee hore in leeg oo dambe ay sii taagnaato. Waddani wuxu soo gaba-gabeeyey wixii ay naawila-yeen askarta " Xaafad-tooyadda" ka shimbiro-waaqlaysaa. Waxay-na ay is arkeen iyaka oo hor illaahay cidla taagan. Waxa la tusay in aanay soconayn sidda xisaab xumaanta ah ee ay qorshays-teen, taas oo ah in ay kursiga cid kula loolami kartaa aanay jirin, waxa-se lagu yidhi indhaha ku kala qaadaan xaqiiq-dda oo ah. Siddii ayax la buufiyey bay dhawaan ummadu gacanta ka qaban doonto wixii ay kaydsa-deen, denbi-yaddii ay ummadan ka galeena, waa la iskaga daba iman doonaa. Musharaxa Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wuxuu ummadda u jeexay dhabo cusub, oo ah talllo la wadda leeyahay, cadaalad loo siman yahay, dimuqraadiyad madax banaan, Saxaafad aan la cabudhin, maskax furnaan iyo qaabka loo dhawri akro hantidda ummadda. Si cad-na wuxu ugu wareejiyey Gudoomiya-nimaddii Xusbiga Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan, Wuxu si saami qaybsi ah u qaybiyey hogaankii sare ee uu Xusbiga Lahaa. arima-haas oo godka u sii dheereeyey Maamulka " Qudhmiye" Xabaashana u dedejiyey. Akhriste waxan ku soo af-meeray faaladan maansaddii ahayd " Qaaluu-balaa niman aqoon, qaarina is moodda, qusul laba iyo baac ah, buu qoobka geliyaaye" Kii kolba magac aanu lahayn ummadda u sheegan jirey, kol uu yidhaaho waxan ahay mujaahid/Madax-weyne/Caaqil iyo Siysaasi, hadaa carrab-kiisii lagu musbaaray dhulka, oomato ka degi la'dahay, maskaxddii yarayd ee beenta u sheegi jirtey iyo kuwuu odhan jirey waa been ma sheega-yaal-ba uu xaal ka dhabaqsan yahay, ilayn caylooy cadaana. waxa-se ka abadda ah " Naf go'day in aanay dib u soo noqonin" sidaas awgeed, " Qudhmiye Kar-kaarka baa la waydaariyey.



* N.B Haddii Ceel Wal-waaleed Ku Go'een Wadaamii, Waan-Waani Dhacantee, Wadna-haan Far Ku Hayaa ( Bal miyey Ka boodo)!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...