Ishii Bugtaay Ku Bikaacso ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday November 17, 2021 - 18:06:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ishii Bugtaay Ku Bikaacso ( Abdi-Shotaly).

    N.B Ninkii Baacin Jirey Baa, Gamaan Loogu Baaqaa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Ninkii Baacin Jirey Baa, Gamaan Loogu Baaqaa!

Wuxu  yidhi wadaadkii Ina Cabdile Xasan " Hal madaw higaad iyo qu'raan, ha iyo waw reeban, nin waliba naf-tiisa ha hafree, hoodo anigaw leh" Waxan u soo qaatay murti-daas oo uu yahay u jeed-kaygu, Cid kaste ha iska hadasho, waxay doon-tana ha tidhaahee, haduu yahay Qudhmiye iyo inta beenta lagu maaweeliyo, ee askariga dhaameelka ku daba socota, in Xusbiga Waddani maanta uu indhihii nuurka waayey, si wacan loogu jeexay, xuubkii kaga dahaadh-naana laga dilaaciyey, oo uu dhulka badhidda loogu dhuftay Keliggii taliyihii jeebka ku sitay wax kaste, ee odhan jirey, waa aniga ka qudha ee ay hooyaddii nin dhashay. ummadana la tusay in aanu siyaasad meela ka soo gelin, la qaawiyey, oo uu Waddani Dhabo hor leh, abid aan hoirtii la marin uu u toobiya-yeey siyaasaddii lagu maamuli jirey " Digtoonaw iyo dib u jeeso"  Waayo askarigu wax kale ma yaqaan, xataa muu dhego-dhegayn ee faash uu ku jar-jaro uun buu la dul maray, wixii rag ay kaadi-doodda u soo cabeen ( Iyaba waa midh subxaana-laahiye). Horaa loo yidhi " Tab hayaw lagaa tab hayee" Shir-weynihii golaha dhexe ee " Xusbiga Rajadda Shacabku" (Waa Waddaniye) ee soconaayey bishan aynu ku jirno 15 iyo 16-keeddii, wuxu Siyaasadda Somaliland u horseeday waa cusub oo aan hore ugu beryin, ka ugu dhawaana uu ahaa rabbi caafimaad ha siiyo'e "Madax-weyne Siilaanyo", Oo ahaa madax-weynayaashii runta ahaa ee intii ina soo maray kii ugu dambeeyey, intaan dulinkan iyo dugaagani inagu dikan.

 

Hees ay wadda qaadi jireen illaah labada-ba haw naxariisto'e Kinsi Xaaji Aadan iyo Xarago, oo ku jirtey  Riwaayaddii la odhan jirey " Wejiyaal Is Xasuusta" lahaana illaah caafimaadka ha u kordihiyee " Axmed Saleebaan Bide" Baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Ninkii baacin jirey baa gamaan loogu baaqaa" Waa run oo faras ninkii fuuli jirey baa yaqaan sidda loo wado, ee mid aan farsamo u garanayn, oo iskaga booday waa uu ka duulaa. "Cabdilaahi Suldaan" Alle raali ha ka ahaadee Tima-cade, baa isna Tix-diisii la odhan jirey " Dugsi ma leh Qabyaladi" Waxa ka mid ahaa Nin faras fuulay oo wadi kari waayey, dabeed ka soo dhacay, wuxu yidhi" Haddii faras dabaal-deg iyo farax, loo dalbado maalin, oo mid aan dar-yeelini, xakame daamam-kaw geliyo, uu cidhibta daran-dooriyo, uu duubo madaxiisa ( Sidda Askariga), debcin maayo oo wuxu ka baqan, in u ka duulayee, gacmaa waa ka daystaa, ninkii fuulmo daashadaye, hadaad adigu daacuun ku tahay, doodan iga baaci" Isku soo duub oo wuxu micnuhu yahay, qofku maaha in uu faraha la gallo hawl aanu garanayn, ilayn wax lama khasbo sidda askarta ku jirta guriga la yidhaaho " Xaafad-Tooyadda;e" ee aan maamul meela u soo marin, fekred-na ka haysan haba-yaraatee, ee u soo boobka tegay uun hantidda ummadda, oo la iskuma qaado wax aanad dooc iyo dareen mid-na u lahayn, xataa aanad tallo cid-na aanad ka maqalayn, ilayn waa xoolo doon. oo haduu taladda shacabka qaato, ma helaayo wuxuu kursiga-ba u boobaye( Taas oo ah hantidda ummadda).



Akhristaw, Waxan ku soo xidhay maqaalkan, odhaah-ddii ahayd " Ishii bugtaay ku bikaacso" Oo micna-heedu yahay ama u jeedadda aan ka leeyahay ay tahay.  Waddani wuxu si cad oo aan caad sarnayn inoo tusay, in ay taladda dalka uu dadku wadda leeyahay, cid ay u gaar tahay-na aanay jirin, qof jeebka iskaga sidan kaaraana aan laga aqbalayn doonin, soconayna si kaste oo uu isugu dayo qof-kaasi, lana kala xigin, dhicina karin anaa mididda daab-keedda haya, oo sidaan doono ka yeelaaya. Waa markii ugu horeysay, ee uu nin u sharaxan Madax-weyne, isaga oo aan kursiggii ku fadhiisan uu iska wareejiyo "Gudoomiya-nimaddii Xusbiga". Waa arin ku tusaysa faraqa u dhaxeeya iyo qaabka ay u kala fekeraan Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Faysal Cali waraabe. Waxay ku kala duwan yihiina, " Ninka rag ahi wuu garanayaa, doqona  loo sheegi maayo" ee ambad-kaas ha ku jiro. Ummadda reer Somaliland waa in ay wax ku qaadataa, waayo'aragnimo qoto dheer iyo jid toos ah, oo aan qal-qalooc lahayn, qorshe aanay qodaxi hoos oolin, laga wadda tashaday baa shir-weynaha Xusbigga Waddani uu u baneeyeye. Sidaas awgeed, qofkii ay dal iyo dad dani ka hayso, ee aan ahayn meel iskaga baydh ahayn, iyo keliggii noolaasho danaysi ah, waa in uu wax ku qaataa waxa ka dhacay shirkan Waddani. Waad arkaysan in ummad-deennii dhamaan bari, galbeed hawd iyo waqooyi, qurba joog iyo qol-qol joog-ba, ay ka dareereen Xusbiggii Kulmiye la odhan jirey Wakhtiggii "Madax-weyne Siilaanyo" oo hadda la baxay " Qudhmiye" Magacan waxa loogu bixiyey isaga oo wadankii meel walba qudhmiyey, waxan ku soo xidhay, Is bedelka waxad ka arkaysaan Caasimadda Hargeysa, sidda ay uga raysatay Kii Caloosha weynaa ee  " CaRfaaye" loona qurxiyey iyo nadaafadda, Cabdiraxmaan Cirro-na wuxu inoo Hagaajinayaa Cadaaladda, sinaanta, wadda jirka, maamulka iyo hantidda oo uu inoo dhawro.

 

* N.B Ninkii Baacin Jirey Baa, Gamaan Loogu Baaqaa!

Qore Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...