Ma xanuun magaciisu INFEKSHAN"infection" yahay ayaa jira ?

0
Wednesday November 17, 2021 - 14:37:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma xanuun magaciisu INFEKSHAN"infection" yahay ayaa jira ?

    Infekshanku Maaha Xanuun Ee Waa Jeermis Sidayaashu Markay Jidhkaaga Soo Galaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Infekshanku Maaha Xanuun Ee Waa Jeermis Sidayaashu Markay Jidhkaaga Soo Galaan


Badanaa Waxaan Arkaa Dad Igala Tashanaya Caafimaadkooda Oo Igu Yidhaahda Waxa Laygu Sheegay Infekshan ,Ilaa Waa Aan Dhawayna Waxaan Rabay Inan Bulshada Bal Mar U Iftiimiyo Se Hadba Mawduuc Kalan Ku Mashquulayay Ama Casharada Bulsho U Faaidaynta Ah Ee Aan Halkan Idiin Ku Soo Gudbiyo ,Se Maanta Mar Haday Suaashii U Danbaysay Ee An Ka Jawaabay Mawduucan La Xidhiidhay Iga Fakan Maayo Mawduucaniye Aan Dhayda Ka Cadeeyo.



Waa Maxay Infekshan"Infection"Ku ?

Infekshanku Maaha Xanuun Ee Waa Jeermis Sidayaashu Markay Jidhkaaga Soo Galaan Sida Bakteeriya Fayrus Ama Fangasku Ciladna Kugu Keenaan Ciladaas Ayaa Ah Caabuq”Infection”,Waxaanay Sababi Karaan Xanuuno Kala Duwan Oo Magacyo Kala Duwan Leh Oo Kuwooda Ugu Halisaysan Lagu Barto Maadada "Infectious Diseases”Ka Oo Ay Tahay In Badhitaan”Diagnosis” Lagu Kala Saaro Lana Sheego Magaca Xanuunka Ay Jeermis Sidayaashu Sababeen Ee Maaha In Inta Qofka La Baadho Layska Yidhaahdo Uun Infekshan Ayaa Ku Haya Loona Miiso Dawooyinka Lagula Dagaalama Jeermis Sidayaasha”Antibiotics”.


Wadamada Horumaray Dhakhtarku Dawo Uma Qori Karo Qof Ilaa Uu Ogaado Jeermiska Keenay Xanuunka Iyo Xanuunka Magaciisa Oo Lagu Sheegayo Halka Waraaqda Baadhitaanka Ay Ku Taalo”Diagnosis”Se Sidaan Markasta Arko Inaga Bulshadeena Waraaqaha Ay Ii Soo Diraan Badankooda Oo Dhan Kuma Yaalo Waxa Qofka Laga Helay Ee Laga Dawaynayaa ,Sababta Mooyi Ma Waxay Ka Baqayaan In Marka Dhakhtar Kale La Tuso Dawada Iyo Xanuunku Is Yeelan Waayaan ?


Mise Danba Kama Laha Oo Waa Iga Gee Ilayn Cid Dabagalaysaa Ma Jirto Oo Odhanaysa Bukaankan Xanuun Noocma Ah Ayaad Ka Dawaynaysaa Aad Dawo U Qortide ?Mise Maadaama Aanu Infectologist Ahayn Ama Xubinta Bukaanku Ka Cabanayo Aanu Ku Takhasusin Xanuunada Ku Dhaca Darteed Ayay Ku Dhex Anbadaan Xanuunka Haya Umana Diraan Dhakhtar Ku Takhasusaye Infekshan Ayaa Ku Haya Ayuunbay Yidhaahdaan Si Aanu Bukaanku Uga Tagine Antibiotics Ayuunbay U Qoraan ?


Waxaan Ku Soo Koobayaa Waa Marka Kobaade Xanuun Magaciisu Infekshan Yahay Ma Jiro E Marka Dhakhtar Kugu Yidhaahdo Infekshan Ayaa Lagaa Helay Magaca Xanuunka Ii Sheeg Dheh Uu Sababay Jeermiska Jidhka Soo Galay Ee Caabuqa Aad Sheegayso Keenay,Waana Inuu Waraaqda Baadhitaanka Ku Xusaa Xanuunkuu Kaa Dawanayo Si Hadii Uu Dhakhtarku Wuu Qaldami Karaaye Aad Cadayn U Haysato Aad Maxakamad Ula Tiigsan Karto Haduu Waxaan Ku Hayn Dawo Kuuqu Qoro Halisna Naftaadu U Gasho.


Marka Labaadna Hadiiba Dhakhtar Kuu Qoro Dawooyinka Lagula Dagaalamo Jeermis Sidayaasha "Antibiotics”Ha Wadin Uun Qaadashadooda Waayo Wakhti Gaar Ah Ayaa Loogu Talo Galay Oo Cayiman Oo Lagula Dagaalamayo Jeermis Sidayaasha Se Hadaad Adigu Iska Soo Iibsato Ama Wakhti Ka Badan Intuu Ku Yidhi Dhakhtarku Qaado Qaadato Waxa Suurta Gal Noqon Karta Inaad Disho Jeermisyada Jidhka Manfaca U Leh Ee La Yidhaahdo”Normal Flora”Adoo Is Lahaa Is Daweena Aad Cilad Kale Isku Rido.


Adoo Mahadsan La Wadaag(Share)Casharkaas Bulsho U Faa’idaynta Ah Bulshada Inteeda Kale Si Ay Uga Faa’idaystaan,Ila Soco”Follow” Hadaanad Bogan Ku Taxnayn Si Aad Cilmi Korodhsi Halkan Uga Hesho.


DrMawliid Kudar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...