Xeeladdaha Siyaasadda.!!

0
Wednesday November 17, 2021 - 08:30:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeeladdaha Siyaasadda.!!

    Maxaa yaab isdabayaal.!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa yaab isdabayaal.!!

Waxaa la yidhi, Nin Yuhuudi ah oo ka guurayay Ruushka ayaa markii uu marayay Madaarka Moscow waxaa saraakiishii Garoonku ku qabteen Sanam uu ka soo sameeyay hoggaamiyihii la odhan jiray Lenin. Sarkaalkii Kastamka ayaa waxaa uu weydiiyay waa maxay waxani.?



Yuhuudigii waxaa uu ku jawaabay, su'aashaadda wax baa ka qaldan. ha odhan waxaani waa maxaye. waxaad i weydiisaa waa kuma ninkani?


Waa hoggaamiye Lenin, waa aas-aasihii nidaamka hanti-wadaagga ah iyo horseedkii barwaaqada ummadda Ruushku ku naaloonayso. Waxaan u sitaa xasuus ahaan Geesigeennan. 


Sarkaalkii kastamka Moosko fadhiyay isaga oo qiiraysan, ayuu ninkii Yuhuudiga ahaa u ogolaaday inuu sii wato safarkiisa isaga oo aan wax danbe oo su'aallo ah weydiin. 


Haddana, Madaarka caasimiadda Israel ee Telaviv (Talaabiib),ayaa sarkaalkii kastamka fadhiyay isla su'aashii hore oo kale (Waa maxay waxani) weydiiyay ninkii Sanabka Lenin sitay.


Yuhuudigii waxaa uu ku jawaabay mar kale, su'aashaadda wax baa ka qaldan. ha odhan waxaani waa maxaye. waxaad i weydiisaa waa kuma ninkani?


Waa Lenin, waa Inkaarqabihii shuuciga ahaa ee igu khasbay inaan Yuhuudi ahaan uga soo barakaco Ruushka. waxaan u sitaa si aanan u hilmaamin xumaantiisa oo u nacdalo goor walba.


Sarkaalkii Kastamku waxa uu su'aashii ka bixiyay raali-gelin, waxaana uu u ogollaaday ninkii inuu qaato Sanabkiisa oo iska baxo.


Ninkii labadda kastam ka soo gudbay, waxaa uu casuumay saaxiibadii. mar kale waxaa la su'aalay Sanabkii. isna tabtii hore ayuu la soo booday ha khaldin su'aasha, Sanamka waxaan ka sameeyay Lenin. waa ninka ii soo badbaaday Tobannaan Kiiloo oo dahab ah cashuur la'aan.


Halkan, waxa ku duuggan, cashar muujinaya in shay qudha siyaabbo kala duwan loo fasiri karro, iyada oo sharraxaad kasta oo laga bixiyayna keenayso in lagu qanco oo aan wax su'aallo ah laga keennin.


Cidda qaabkan inay u fikirto laga rabaa waa siyaasiga, waa in uu arragti kali ah hadba dhinac ugu dhigi karraa bulshada kala duwan, islamarkaana abuuri karaa xamaasad xambaari karta oo yool u noqota halka uu higsanayo.


Halkaas markeey taagan tahay,Siyaasi ku sheegyada Soomaalida isaga dhiga siyaasiyiinta,waa beenaalayaal,waa khaa’imiin,waa nacasyo toban wajiilayaal ah oo aan soo baran hal cashar oo ku saabsan Siyaasadda & sida loo isticmaalo. Laakiin waxaa jirta hal meel oo ay u wada lebistaan waa Qabyaaladda. haa waa halkaas halka Maryooleey ay siyaasigooda wax uga ogoshahay,waa halka uu ogyahay midkooda siyaasadda ku waashaa inuu siyaasi la sheeg sheego ku noqon karo.


Sidaas daraadeed,maadaama la joogo hada xiligii doorashada,waa in mid waliba uu ku talagalaa sidii uu u baran lahaa xeelado farabadan oo uu kaga soo gudbi karo wareega koowaad,iyo wareega labaad ee siyaasadda, islamarkaana uu u diyaarsadaa kuwa la mid ah xeeladihii uu Ninka Yuhuudidiga ahi sanamka Lenen kaga soo gudbiyey 2-da kastam ee aadka loo ilaaliyo., marka uu ku guuleystana waa in uu jeebka dambe kala soo baxaa kaartada 3-aad oo ah  qorshihiisa gaarka ah ee u qarsoonaa.!!!


Xigasho:———————

Maxaa yaab isdabayaal.!!

Abdulkadir Mohamed Dulyar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...