Raysal Wasaraaha Itoobiya Oo Dad Uu Casuumay Ka Qaaday Lacag Badan + Sababta.

0
Monday May 20, 2019 - 21:16:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaraaha Itoobiya Oo Dad Uu Casuumay Ka Qaaday Lacag Badan + Sababta.

    Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa casuumay 200 oo ruux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa casuumay 200 oo ruux

oo isugu jira ganacsato iyo dad matalaya ururrro, isagoo u diyaariyay wax loogu yeeray "cashadii ugu qaalisanayn ee dalkaas lagu cuno”.


Martida ayaa laga qaadayay 173,000 oo doolar si ay u cunaan cashada lagu diyaariyay xaruntii hore ee boqol Menelik.



Ujeedada cashadan laga lahaa ayaa ahayd sidii loo xaqiijin lahaa 1.1 bilyan oo doolar si dib loogu habeeyo magaalada Addis Ababa.


Mashruucan qurxinta ee Sheger ayaa laga rabaa in lagu nadiifiyo wabiyada, dhismeyaasha iyo goobaha nasashada ee caasimadda.


Warbaahinta Fana ee dawladda lala xiriiriyo ayaa Twitterka soo dhigtay sawirka miiska cashada iyo sida laga rabo in ay Addis Ababa u ekaato marka mashruucan la fuliyo.


Tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy ayaa lagu ammaanay qorsheyaashiisa isbadal doonka ah, kuwaas oo ay ka mid tahay heshiiskii uu la galay Eritrea oo ay meel adag kala taagnaayeen.


Si kastaba ha ahaatee dadka dhaliishan ayaa qaba in uu ku guuldarraystay in uu wax ka qabto isku dhacyada qowmiyadaha ee dalkiisa ka taagan kuwaas oo ay ku barakaceen in kabadan 2 milyan oo ruux.



BBC

Loading...
Loading...